Madaxwayne culimada dhex u noqo. Dhinac yuu ku gelin dagaal aan addiga iyo dalka midna dani ugu jirin. Cidna ha ku qasbin wax aanay doonayn. Malcaamadaha iyo masaajidadu ha ka nabad galaan dawladaada oo yay farogelin. Haddii aad wax u taraysid baahiyo ay qabaan oo dhismayaasha malcaamaduhu ka mid yihiin ayaa taagan. Weligood xor bay ahaayeen oo dawlad wax ka wayn bay hayaan ee yaan loo dawladayn. Wax hore ba loogu heshiin waayay yaan xoog dawladeed loo isticmaalin. Culimadu way kala feker duwan yihiin ee cidna cid lugta ha u qaban. Haddii ay isku manhaj noqonayaan horay u noqon lahaayeen. Waxa ay ku kala duwan yihiin ba waa manhajka.
Waa iga talo nasteexo ah e, dagaal diimeed yaan lagu gelin. W/Q Guuleed Dafac.



