- “Somaliland Waa Goob Hogaamiyo Kooxo Haystaan.Shacabku Masiirkii Dalkooda Ma Waxay U Doorteen Cabdiraxmaan Cirro Burburin Lahaa?
Hargeysa(Baraarugtv.com)-Marwada Madaxweynaha Jabuuti Khadra Xayd,ayaa ku amartey beesha Sacad Muuse Habar,awal in ay racaan beesha Ciise oo la dagaalaman beesha Sabaroon ee Gobolka Awdal.
nin lagu magacaabo baq madow oo dhalasho ahaan ka soo jeeda Jabuuti,Kuna abtirsada beesha Sacad Muuse,ayaa teetal iyo magac aan jirin,cidna u dooran ka sheegtey telifeeshanka beesha Sacad Muuse ee SKY Cable. Balse afka teetalka baq madow ku hadlay ee Boqorka guud ee beesha Habar-magaade xagee loogu doortay Boqorka guud ee beesha Habar-magaado Garxajis,Arab,Ayuub iyo Habar,awal?
Sidoo kale,arrinkan in qof kasta xil cidna u dooran ama shacab u dhiiban aan jirin oo been ah sheegto dhibaato,halis iyo khatar intee leeg ayey ku leedahey in burburinta shuruuxda iyo nidaamka dawladnimo ee ka Jira Somaliland?
Qof kasta innuu kaligii isku caano shubo oo yidhaahdo beel hebla ama qabiil hebel ayaan xukumaa dhaqankan inagu cusub maxaa la dhalan karta mustaq-balka jiritaanka dawlad-nimo?
In qof ama shakhsi sheegto teetal cid u dooran oo Somaliland ah ma ka hor imanaysaa shuruucda iyo nidaamka la dhistey ee Somaliland?
Dawladda madaxweyne Cabdiraxmaan Cirro waxay shacabku u doorteen innuu u ilaaliyo sharciga iyo xeerarka u yaal bulshada ku dhaqan dalka Somaliland ay dhigteen.
Maxaa dhacaaya,haddii qof kastaa iskii isu-magacaabo xil iyo hogaaminta matelaada shacabka reer Somaliland?
Haddii ay habarjeclo is hayaan ama Buur madow ninka isu-magacaabey Boqorka guud ee Habar-magaado,sii kala qaybinta shacabla iyo abaabul qabyaalad xanuun cusub oo lagu dhex beerayo shacabka.
shakhsiyadiisa ama magaciisa ha kula hadlo oo ha kula dagaalamo Boqor Badmadow Ahmed Mohamed,laakiin talaabadan waxay muujinaysaa inay tahey Somaliland goob hogaamiyo kooxo haystaan oo kala dambayn laheyn iyo sharci lagu sheegto matelaad shacabka ama hogaamiyaha xaq u leh sharciga matelada bulshada reer Somaliland ee la doortey tahey Cabdiraxmaan Cirro oo kaliya hogaaminta masiirka shacabka iyo dalka. kooxo qabqab-layaal koofiyado xidhan oo maalib walba warbaahinta ka sheeganaaya sheegasho matalaad bulshada reer Somaliland. Laakiin kooxdan iskood isu-magacaabey madax-dhaqmeed waxay khatar ku yihiin nabad-gelyada ka jirta Somaliland. mucuwiso,koofiyado iyo cumaamado loo badelay astaan dhaqan qabyaalad iyo nacayb isku dir bulsho ka shaqaynaysa abuurka nacayb.,laakiin u dhisan hab hogaamiyo beeleedyo dhaqan.
Somaliland:-ma meel dabo furan baa,mise masiirka dalkooda ma waxay u doorteen Somaliland Cabdiraxmaan Cirro?
Warbaahinta Baraarugnews Radio Baraarug.Com