Hargeysa,(Baraarugtv.com)-Baanka Dhexe ee Somaliland oo Maalgalinaya Dhamaystirka Dhismaha Suuqa Waaheen qaybtii ay lahayd Dawladda Hoose ee Caasimadda Hargays.Guddida Heer Qaran ee Suuqa Waaheen iyo Baanka Dhexe Somaliland ayaa maanta kala saxeexday heshiis Maalgalineed oo Baanka Dhexe Somaliland uu ku maalgalinayo Dhismaha Bacadlaha, Sariibadda Khudaarta iyo Hilibka ( Qaybta Dawladda Hoose ee Hargaysa A1) ee Suuqa Waaheen.
Heshiiskan ayaa noqonaya heshiiskii maalgalineed ee ugu horeeyey oo uu fulinayo Baanka Somaliland, waana talaabo taariikhi ah oo Baanka Dhexe Somaliland hore u qaaday.
Geesta kale, Baanka Dhexe Somaliland iyo Shirkadda Daryeel Construction ayaa kala saxeexday heshiiska ay shirkaddu ku dhisayso Dhismaha Bacadlaha, Sariibadda Khudaarta iyo Hilibka ee Suuqa Waaheen.
Munaadibada heshiiska lagu sexeexay oo ka qabsoontay xarunta Baanka Dhexe ee Somaliland maanta oo ay taariikhdu ahayd 21 September 2025, waxaa la rajaynayaa in muddo kooban uu ku soo gabo-gaboobo dhismaha Suuqa Waaheen oo intiisa badan hore u dhamaatay.