Ujeeda kulanka Madaxweyne Cirro iyo Ha,yaddaha Madaxa-bannaan

0
56

Hargeysa(Baraarugtv.com)- ’

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa maanta kulan muhiim ah la qaatay qaar ka mid ah Madaxda Hay’adaha Madaxa Bannaan ee Qaranka JSL, isaga oo kala hadlay habsami-u-socodka shaqooyinka iyo dardar gelinta hawlaha muhiimka ah ee ay Qaranka masuulka uga yihiin.

Kulankaa isaga ah, Madaxweynuhu waxa uu hoosta ka xariiqay in Hay’adaha Madaxa Bannaan ay door muhiim ah ku leeyihiin Dhismaha Dawladnimada iyo daah-furnaanta Maamulka, kor u qaadista isla xisaabtanka, ilaalinta shuruucda dalka, iyo tayaynta adeegyada muhiimka u ah nolosha bulshada.

Madaxweynaha ayaa Madaxda Hay’adaha Madaxa Bannaan ku boorriyey in ay si buuxda uga shaqeeyaan waajibaadkooda Qaran, isla markaana ay bulshada JSL ugu adeegaan Daacadnimo, Xilkasnimo, Hawlkarnimo, hufnaan iyo eex la’aan.