Kulan Qaab Qarsoodiya Ku Dhex-marey Madaxweyne Cabdiraxmaan Cirro Iyo Ugaaska Beesha Gudabiirsay Ee Boorama

0
46

Xog Sir Ah:-Muxuu Ahaa Kulan Qol Gaar ah Qaab Qarsoodiya Ugu Dhex-marey Madaxweyne Cabdiraxmaan Cirro Iyo Ugaaska Beelaha Sabaroon Boorama

Awdal,(Baraarugtv.com)-Madaxweynaha Somaliland Cabdiraxmaan Cirro iyo Ugaaska Sabaroon ,Ugaas Cabdirashiid Ugaas Rooble Ugaas Doodi,ayaa la sheegay in kulan hoose oo albaabadu u xidhan yihiin ku dhex-marey gudaha magaalada Boorama.
Warku wuxuu intaa ku darayaa in Madaxwayne Cirro ay mihiimada ugu weyn socdaalkiisu aheyd Ugaaska Gudabiirsi arrimo la xidhiidha dawladnimada Somaliland iyo xaaladaha bulshada Sabaroon ee Gobolka Awdal.
Ilo-lagu kalsooj yahey oo ka agdhaw goobta kulanku ka dhacayey ayaa shabakada Red Sea intelligence u sheegay in madaxweyne Cabdiraxmaan Cirro,uu ugaaska kala Hadley arrimo la xidhiidha dawlada fadderaalka ah ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo faragelin ku haya gudaha Somaliland,gaar ahaan Suldaan Wabar oo dawladda Xasan Sheekh u soo dirtey Awdal.isla markaana ilo-wareedyada ayaa tilmaamey in sawirka Madaxweyne Caddiraxmaan Cirro la galey Ugaaska ka qaadeen wariyaal u Gaara ah oo Cabdiraxmaan Cirro wato isagu lagu baahiyey baraha bulshada,laakiin qol gaar ah oo labadooda oo kaliya si hoose qarsoodiya ugu dhex-marey ugaaska Cabdirashiid Ugaas Rooble iyo Madaxweyne Cabdiraxmaan Cirro.

Sidoo kale,ilo wareedyada ayaa tibaaxey in madaxweyne Cirro uu ugaaska la Soo qaadey qadiyada madax-bannaanida iyo arrimo amaan daro oo Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle iyo Xasan sheekh ka wadaan Gobolka Awdal iyo kicin lagua abaabulayo ,siddii la isaga horkeeni lahaa bulshada reer Boorama iyo dawladda Somaliland, siddii talaabooyinkaa looga hortagi lahaa,uguna wada shaqayn lahaayeen Ugaaska beelaha Sabaroon iyo abniga ayaa la sheegay ujeeddada kulanka dhex-marey Madaxweyne Cirro oyo Ugaaska.
Email baraarugnews@gmail.com