Uk,(Baraarugtvcom)-Xildhibaan Gavin Williamson oo ka tirsan baarlamaanka Ingiriiska ayaa ugu baaqay dawladda UK inay qaadato go’aan geesinimo leh oo ay noqoto dalka u horeeya ee aqoonsada Jamhuuriyadda Somaliland, si ay u kasbato saaxiib muhiim ah oo la isku hallayn karo.
Xildhibaan Gavin Williamson wuxuu sidaasi ku sheegay qoraal uu ku baahiyay shebakada Politics UK, taasi oo ay soo turjuntay Wakaaladda wararka Somaliland ee SOLNA, wuxuuna tilmaamay in Somaliland ay dalkeeda kaga shaqeyso miisaaniyaddeeda oo qadarkeedu yahay 250 milyan oo giniga Ingiriiska ah.
Mr. Gavin waxa uu ku majeertay inay Somaliland 35kii sannadood ee la soo dhaafay ay qabatay lix doorasho, isla markaana ay taabogelisay xasiloonida ay ku hamiyayaan dalalka deriskeeda ahi.
Xildhibaan Gavin wuxuu ku dooday in Somaliland ay tahay dal dimuqraadi ah oo nabdoon isla markaana ay waafaqday waxyaabaha Ingiriisku uu ku guubaabiyo dalalka ay saaxiibka yihiin. Waxaanu intaas ku daray in Somaliland tahay mid la isku halleyn karo marka la eego la dagaalanka argagixisada iyo budhcad baddeeda.
Xildhibaanku wuxuu tibaaxay in JSL ay dhinac kasta kaga duwan tahay Soomaaliya.
Xildhibaan Gavin Williamson wuxuu caddeeyay in Somaliland ay tahay mid xasilooniyi ka hirgashay, halka Soomaaliya ay qaaday jid kale oo ay hoy u noqotay xagjirka iyo ku tumashada xuquuqda aadanaha.
“Somaliland waxa ay leedahay istiraatiijiyad dhaqaale iyo mid juqraafiyaddeed oo muhiim ah oo ay ka mid tahay Dekedda Berbera oo ku taal marin-biyoodka istaraatiijiga ah ee Gacanka Cadmeed waxayna leedahay khayraad dihin oo la diiwaangeliyey iyo suuq furan oo ay xiiseynayaan shirkado British ahi,” ayuu yidhi Gavin Williamson.
Mr. Gavin wuxuu intaas ku daray in Somaliland ay danaynayaan Ruushka iyo Shiinaha, hase ahaatee ay muujisay madaxbannaanideeda siyaasadeed oo ay gaashaanka u daruurtay cadaadiska Shiinaha oo ay aqoonsatay Taiwan.