Hargeysa(Baraarugtv.com)-wasiirka arromaha gudaha Somaliland,ayaa sheegay in Passapor-ka Somaliland si rasmiya loogu tagaya dalka mareykanka sida ay shaacisay Jamhuuriyada Somaliland
Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland oo hadlay ayaa sheegay in Somaliland passapor-keeda lagu tagi doono dalka mareykanka iyadoo qofka Jooga Jabuuti uu Mareykanku Visaha ugu dhufanayo.
Waa Talaabo kale oo Somalkla d uqaadey dhanka Horumarka iyo Dawladnimadeeda ay caalamka ka iibineyso oo sii xoogeysatay.
Mareykanku waxa uu kamid noqday Saaxibada Somaliland ku leedahay caalamka waxaana xildhibaano ka tirsan Aqalka Hoose iyo kan sare ee Mareykanku ay wadaan Qorshe ay ku doonayaan in lagu Aqoonsado Somaliland
Somaliland muddo 34 sanno ah waa dal madax banaan oo buuxiyey shuruudaha dawladnimo waxaana muddadaasi laga hirgeligey nidaam dawladeed waxaana ka dhacey doorashooyin ay shacabku ku doortaan hadba cidda madaxweyne u noqoneysa ..
#Somaliland