“Halgankii Naf Hurka Ahaa Ee Qaranimadii Jamhuuriyadda Somaliland. Waqti-yar Kadib Loo Sadqeeyey Jacaylkii Midnimo Shan Soomaaliyeed.”Guddoomiyaha xisbiga kulmiye Maxamed Kaahin Axmed

0
38

Hargeysa,(Baraarugtv.com)-Guddoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee kulmiye Maxamed Kaahin Axmed ayaa Ka hadlay – – Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE, Mudane Maxamed Kaahin Axmed waxa uu shacabka Jamhuuriyadda Somaliland meel kasta oo ay kala joogaan ku hambalyeynayaa Xuska sannad-guurada – – – oo ah maalintii aynu ka xorownay Maxmiyaddii Boqortooyada Ingiriiska.

Xornimadii shacabka Jamhuuriyadda Somaliland hantay 26 June 1960kii oo ku suntan maalintii dhulkii ugu horreeyey ee Soomaaliyeed ee ka xoroobay gumaystihii reer Yurub ee qaybsaday qaaradda Afrika, taas oo ah taariikh dahabi ah oo ummadda reer Somaliland gaar u leeyihiin.

Halgankii naf hurka ahaa ee ay shacabka reer Somaliland kaga soo horjeesteen gumaystihii Ingiriisku waxa uu sababay in ay gaadheen dalkooda iyo calanlooda oo xoroobay, inkastoo Qaranimadii Jamhuuriyadda Somaliland maalintaasi heshay waqti yar kadib loo sadqeeyey jacaylkii ummadda Somalilnd u qabtay midnimo dhexmarta shantii Soomaaliyeed, taasina sababtay Midowgii fashilmay Somaliland iyo Soomaaliyadii Talyaanigu gumaysan jiray.

Allaa Mahad Leh

caarshe7@hotmail.com baraarugnews@gmial.com