Hoggaamintiisa aragti fog leh iyo..

0
57

Maamulaha guud ee Shirkadda Dahabshiil group, Cabdirashiid Ducaale ayaa ku guulaystay abaalmarinta Maamulaha sanadka ee global Somali Award 2025 magaalada Columbus ee Dalka Maraykanka.

Isagoo hirgelinaya riyadii aabbihii Xaaji Maxamed Siciid Ducaale wuxuu Dahabshiil ka dhigay shirkadda Soomaalida ugu baaxadda weyn caalamka, iyadoo ka hawlgasha in ka badan 130 waddan

Hoggaamintiisa aragti fog leh iyo dadaalkiisa ku aaddan baahinta adeegyada maaliyadeed ayaa horseeday in uu noqdo haldoorka shirkadaha bixiya adeegyadda maaliyadeed, sida Dahabshiil, Dahabshil Bank, DahabPlus, eDahab, iyo taageeraha ugu weyn ee qurbo-joogta Soomaaliyeed.