Xogo dheeraad ah:-Ayaa Laga shaaciyey safarka Madaxweyne Cabdiraxmaan Cirro ee Dalka Itoobiya 

0
15

Xogo dheeraad ah:-Ayaa Laga shaaciyey safarka Madaxweyne Cabdiraxmaan Cirro ee Dalka Itoobiya

Itoobiya (Barsaarugtv.com)David Green oo falanqeeya siyaasadda ayaa sheegay in socdaalka Madaxweynaha Jamhuuruyadda Somaliland Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro), lagu wado inuu ku tago magaalada Addis ababa inay xoojinayso iskaashiga istaraatajiga ah ee u dhexeeya labada dal ee Somaliland iyo Itoobiya.

David Green wuxuu tilmaamay in booqashada madaxweyne Cabdiraxmaan Cirro ee Itoobiya uu yahay tallaabo muhiim ah oo kor loogu qaadayo cilaaqaadka Somaliland iyo Itoobiya.

Mr. Green wuxuu intaas ku daray in wadahadallada ku wajahan heshiiskii is afgarad ee bishii January 2024kii ay kala saxeexdeen Somaliland iyo Itoobiya ay salka ku hayaan dhisida xidhiidh istaraataji ah oo ku wajahan kobcinta ganacsiga iyo xasilloonida mandaqada gobolka Geeska Afrika.

 

David Green oo ka mid ah aqoonyahannada taageera Somaliland, ayaa si joogto ah wax uga qora horusocodka Somaliland iyo guuldarooyinka dawladda Soomaaliya. Waxaanu ku baaqaa in beesha caalamku ay guulaha Somaliland abaalmarin uga dhigto aqoonsi caalamiya.Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md. Cabduraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro), ayaa dhawaan markii uu ka soo laabtay socdaalkii uu ku tagay Kenya caddeeyay inuu dhawaan booqasho rasmi ah ku tagi doono dalka Itoobiya, si uu u xoojiyo iskaashiga Jamhuuriyadda Somaliland la leedahay dalalka deriska ah.

Somaliland iyo Itoobiya ayaa leh xidhiidh iskaashi oo ku wajahan dhinacyada ammaanka iyo ganacsiga.