Dalka Somaliland Oo guud ahaan Si-weyn Looga Xusay 18 May &Diblomaasiyiin iyo Madax Beesha Caalamka Oo Ka Soo qayb-galey

0
14

Hargeysa (Baraarugtv. com)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland oo ka qaybglay sannad-guurada 34-aad ee munaasibadda 18-ka May.Isla markaana shacabka Reer Somaliland ayaa Si-weyn ugu Soo Baxay Goboladda,Degmooyin iyo guud ahaan xuduudaha Dalka Oo Dhana Lagu xusay 18 May.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro), ayaa ka qaybgalay munaasibad ballaadhan oo loogu dabbaaldegayo sannad-guurada 34-aad ee kasoo wareegtay markii Somaliland xorriyaddeeda dib ula soo noqotay.

Munaasibadda sannad-guurada 34-aad oo lagu qabtay barxadda weyn ee badhtamaha caasimadda Hargeysa oo ay madaxweynaha kala qaybgaleen madaxweynihii 5-aad ee Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, shirguddoonka labada aqal, guddoomiyaha maxkamadda sare, xildhibaanno, xubno kamid ah golaha wasiirrada, madaxda saddexda xisbi qaran, Diblomaasiyiin iyo wakiillo ka oscda dalalka Somaliland la saaxiibka ah, iyo wufuud kala duwan oo xukuumaddu kusoo casuuntay munaasibadda, waxana uu madaxweynuhu salaan ka qaatay cutubyo katirsan ciidamada kala duwan ee dalka oo halkaas dhoollatus iyo gaaddo-ka-ciyaar kusoo bandhigay, iyada oo ay qaybaha kala duwan ee bulshada rayidka ah iyo hay;adaha dawladda.

Sidoo kale, ciidamada kala duwan ee dalka Jamhuuriyadda Somaliland sida Booliska, asluubta, dab-demiska iyo Militeriga oo hub iyo saanad casri ah oo lagu qalabeeyey, kuwaas oo bandhiggoodu si weyn usoo jiitay bulshadii fagaaraha caasimadda ku sugnayd iyo kuwii daafaha dunida ka daawanayey.

(),