Hargeysa (baraarugtv.com)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) ayaa Qasriga Madaxtooyada JSL kulan kula yeeshay madaxa Xafiiska Dawladda Boqortooyada Ingiriiska ay ku leedahay Hargeysa ee xilka ka degaya Mudane iyo madaxa cusub ee loo soo magacaabay isla Xafiiskaasi Marwo iyo masuuliyiin kale
Kulankan ayay ujeedadiisu ahayd sidii loo sii xoojin lahaa xidhiidhka soo jireenka ah ee u dhexeeya labada dal iyo sidii loo adkayn lahaa wada shaqaynta labada dal ee Somaliland iyo Ingiriiska.
s
á
Madaxa Xafiiska Boqortooyada Ingiriiska ee Somaliland ee xilka ka sii degaya Mr Ilyaas Malek ayaa Madaxweynaha baray Madaxa cusub iyo ku xigeenka xafiiska Ingiriiska ee Somaliland.
Waxa kale oo uu Somaliland uga mahad-naqay sida ay u soo dhaweeyeen, waxaanu bogaadiyey dedaallada nabadeed ee ay waddo Xukuumadda cusub ee uu hoggaamiyo Madaxweyne Cabdiraxmaan Cirro.
Mudane Ilyaas ayaa ugu hambalyeeyay sida joogtada ah ee ay uga go’an tahay Somaliland ku dhaqanka hannaanka dimoqraadiyadda, wuxuuna carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay in cid kasta laga wada tashado si xal looga gaadho xiisadaha ka taagan gobolka.
:
. Xoojinta Xidhiidhka Labada Dhinac
. Iskaashiga Dhaqaalaha iyo Maalgashiga
. Amniga iyo Xasiloonida Gobolka
. Isweydaarsiga Aqoonta sare iyo Waxbarashada
. Taageerada Dawladnimada iyo Horumarinta Bulshada
Hawl-wadeenada Xafiiska Ingiriiska ee Somaliland ayaa muujiyay xiisaha ay u qabaan sahaminta fursadaha maalgashi ee xagga ganacsiga, tamarta la cusboonaysiin karo, iyo tignoolajiyada, kuwaas oo muhiim u ah hiigsiga koboca dhaqaalaha dhaqaalaha ee Somaliland.
Kulankan ayaa ku dhamaaday jawi wanaagsan, iyadoo labada dhinacba ay rajo ka muujiyeen mustaqbalka xidhiidhka Somaliland iyo Dawladda Boqortooyada Ingiriiska.
Waxa si wada jir ah loo ballanqaaday in si dhow looga wada shaqaynayo arrimaha mudnaanta leh Somaliland iyo mandaqaddaba, iyo sidii dhabbaha loogu xaadhi lahaa iskaashi adag oo faa’iido u leh labada dhinac, iyo sidii kor loogu qaadi lahaa horumarka iyo meeqaamka caalamiga ah ee Somaliland.
,
()