Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), iyo wefti uu hoggaaminayo ayaa maanta si rasmi ah u dhagax dhigay dhismaha waddada Balli-gubadle.

0
7

Hargeysa,(Baraarugtv.com)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), iyo wefti uu hoggaaminayo ayaa maanta si rasmi ah u dhagax dhigay dhismaha waddada Balli-gubadle. Waddadan oo ka mid ah ballanqaadyadii waaweynaa ee madaxweynuhu sameeyey Bulshada Gobolka Hawd xilligii ololaha doorashada, ayaa noqon doonta mid ka mid ah mashruucyada muhiimka ah ee la hirgelinayo muddada 100-ka maalmood ee ugu horreeya ee xukuumadda Wadajir iyo Waxqabad.Kaabayaasha dhaqaalaha, gaar ahaan jidadka, waxay door muhiim ah ka ciyaaraan horumarka dalka. Waddada Balli-gubadle waxay noqon doonta laf-dhabarta koboca magaalooyinka, fududeynta isku socodka, iyo xoojinta dhaqaalaha bulshada. Dhismaha waddada Balli-gubadle wuxuu si toos ah u saameyn doonaa nolosha shacabka deegaanka iyo dhaqaalaha guud ee dalka.Madaxweynaha iyo weftigiisa ayaa si heer sare ah loogu soo dhaweeyey magaalada Balli-gubadle, halkaas oo ay bulshada deegaanka, madaxda heer qaran, iyo masuuliyiinta heer gobol ah ay ku qaabileen munaasabad diirran. .

 

Safarkan ayaa ah kii ugu horreeyay ee Madaxweyne Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro uu ku galo gudaha dalka tan iyo markii la caleemo saaray, taasoo muujinaysa sida uu uga go’an yahay fulinta ballanqaadyadii uu u sameeyey shacabka Somaliland, Gaar ahaan Gobolka Hawd.

Marwo Milgo Maxamed Cilmi (Sanbalooshe) Wasiirka Wasaaradda Shaqadda Arrimaha Bulshada Iyo Qoyska JSL.