, jihadii siyaasadeed Arimaha dibadda wuu beddela.  madaxweynayeyaashii ka horreeyeey Somaliland

0
29
, jihadii siyaasadeed Arimaha dibadda wuu beddela.  madaxweynayeyaashii ka horreeyeey,
, jihadii siyaasadeed Arimaha dibadda wuu beddela.  madaxweynayeyaashii ka horreeyeey,

Hargeysa,(Baraarugtv.com)-Madaxweyne Cirro, jihadii siyaasadeed Arimaha dibadda wuu beddela.  madaxweynayaashii ka horreeyeey ee Somaliland,Marka la joogo dibloomaasiyadda…

, jihadii siyaasadeed Arimaha dibadda wuu beddela.  madaxweynayeyaashii ka horreeyeey,
, jihadii siyaasadeed Arimaha dibadda wuu beddela.  madaxweynayeyaashii ka horreeyeey,

“Maqaalkan waxa aan ku milicsanayaa safarka Madaxweyne Cirro ee Imaaraadka. Dib aan kugu celiyo safaradii madaxweynayaashii ka horreeyeey Madaxweyne Cirro xagay(dalalkii) ku tageen:

1. Madaxweyne Daahir Riyaale Kaahin, safarkiisi ugu horreeyeey, oo ahaa sannadkii 2002-dii, waxa uu ku tegay Dalka Jabuuti; waqtigaas Madaxweyne Cigaal(Ahun), waxa uu xidhay xadka uu dhexeeya Somaliland iyo Jabuuti. Wakhtigaas waxa loo diiday wefti ka socday Dalka Jabuuti, oo doonayeey in ay ka qaybgalaan aaskii Madaxweyne Cigaal. Balse, markii Madaxweyne Daahir Riyaale Kaahin xilka qabtay, xadka dib ayuu uu furay; safarkiisi kowaadna waxa uu ku bilaabay Dalka Jabuuti; isagoo dhinaca kale iska taagay siyaasaddii uu Madaxweyne Cigaal kula dhaqmay Dalka Jabuuti.

2. Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo(ahun), safarkiisi ugu horreeyeey, oo ku taariikhaysna sannadkii 2010-kii waxa uu ku tegay Dalka Jabuuti, isagoo uu arkayey in Jabuuti tahay albaab uu ka geli karo Afrika.

3. Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, safarkiisi ugu horreeyeey waxa uu ahaa sannadkii 2017-kii, oo uu ku tegay Dalka Jabuuti; oo uu uga mahadnaqayeey in ay dhiseen tartankii doorashada.

Bulshada Somaliland, waxa ay isha ku haysay, oo is weydiinaysay dalka uu Madaxweyne Cirro ku tegayo safarkiisa ugu horreeyaa. Waxa loo sadaalinayeey inuu Jabuuti ama Itoobiya midkood ku tegayo safarkiisa ugu horreeya. Labadaas dal baa labadoodubu isku dayayeey inuu ku horreeyo.

Madaxweyne Cirro, jihadii siyaasadeed wuu beddelay, oo waxa uu doortay Dalka Imaaraadka. Marka la joogo dibloomaasiyadda, waxa uu abaaray halkii ugu habboonayd, ee ugu wanagsanayd laba sababood dartood:
1. Imaaraadka waxa lagu karkariya siyaasadda Bariga Dhexe iyo midda Geeska Afrika.
2. Imaaraadku waxa uu Somaliland la leeyahay xidhiidh ballaadhan.

Safarkan waxa aynu ka akhrin karna in Madaxweyne Cirro uu rabo in Imaaraadka, Jabuuti iyo Ethiopia, uu saddexdoodaba gacan dibloomaasiyadeed ku hayo. Haddaba safarkan Madaxweynaha, waa safar waxbadan laga rejaynayoo; doorashada uu doortay Madaxweyne Cirro, waa talaabadii ugu habboonayd ee loo qaaday dhinaca siyaasadda arrimaha dibadda.

Madaxweyn Cirro, waxa aan ku hambalyeynaya safarkaas uu ku ibo-furay Dalka Imaaraadka.

Waxa aan kusoo gebogebaynayaa ballaysinkii Jabuuti, ee saddexda Madaxweyne ee ka horreeyeey, oo laga jooggo muddoo saddex iyo labatan sanno ah lagama helin wixii aynu uu baahnayn.”

WQ- Xoghayaha Guud ee Gollaha WakiilladaS somaliland.
Garyaaqaan Cabdirisaaq Siciid Ayaanle.

Email caarshe7@hotmail.com Baraarugnews@gmail.com