Hargeysa((Baraarugtv.com)-“Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) waxa uu maanta oo ay taariikhdu tahay 22/01/2025 uu xeer Madaxweyne oo summadeedu tahay JSL/XM/XERM/249-044 /012025 uu ku soo saarey Kordhinta Mushaharka Ciidamada kala duwan ee Somaliland.
Waxaana uu xeerku u dhignaa Sidan:-
/.
.
: Qoddobka 90aad faqraddiisa 4aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;
:Qodobka 123aad iyo Qodobka 124aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;
: Muhiimadda ay Ciidammada kala duwan ee Qaranku u leeyahay, Madax-bannaanida Qaranka, Difaaca, Ilaalinta iyo sugidda nabadgelyada gudaha, Badbaadinta iyo illaalinta nafta iyo hantida bulshada, Dhawridda Xorriyaadka aasaasiga ah iyo Fulinta ku dhaqanka Dastuurka iyo Shuruucda Jamhuuriyadda Somaliland;
: Muhiimadda ay leedahay in Ciidammada Qaranku ay helaan mushahar joogto ah oo ku filnaan kara;
’: In aan fuliyo Ballan-qaadkaygii ahaa kordhinta Mushaharka joogtada ah ee Ciidammada kala duwan ee Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland;
–
1. In aan kordhiyo Mushaharka joogtada ah ee Ciidamada kala duwan ee Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland, laga bilaabo sannadkan 2025-ka.
2. In sannad miisaaniyadeed kasta Ciidammada kala duwan ee Qaranka loo kordhiyo Mushaharka joogtada ah xaddi dhan (50%) muddo xileedka koowaad ee Xukuumadda, iyada oo laga duulayo Mushaharka joogtada ahaa sannad miisaaniyadeedkii 2024-ka.
3. In lagu sameeyo diiwaangelinta bu’da (IRIS Biometric Registration) dhammaan Ciidammada kala duwan ee Qaranka muddo soddon (30) maalmood gudahood oo ka bilaabmaysa 01-02-2025.
4. In mushahar kordhinta Ciidammada kala duwan ee Qaranku ka bilaabanto marka la soo dhammeeyo diiwaangelinta iyo tiro koobka Ciidammada kala duwan ee Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland;
________________________________________
()