Doorka Somaliland ee Isbeddelka Siyaasadeed ee Geeska Afrika?

0
13

Geeska Afrika waxa uu wajahayaa isbeddelo siyaasadeed oo degdeg ah oo aan hore loo arag, iyada oo isbahaysiyo la dhisayo lana burburinayo toddobaadyo gudahood.
Hargeysa,(Baraarugtv.com)-“Doorka Somaliland ee Isbeddelka Siyaasadeed ee Geeska Afrika

Geeska Afrika waxa uu ku jiraa marxalad isbeddel siyaasadeed oo aan hore loo arag, iyadoo isbahaysiyo la dhisayo lana burburinayo waqti kooban gudaheed. Iyadoo xaaladdan lagu jiro, waxa muuqata in Somaliland ay qaadatay mowqif degan, iyada oo aan si toos ah ama si dadban uga qayb qaadan isbeddelladan. Laakiin in Somaliland arrimahan aanay ka qayb qaadan waa arrin walaac leh, waayo Somaliland ma awoodo inay daawade ka ahaato dhacdooyinkan muhiimka ah ee khuseeya SOMALILAND Iyo geeska Africa

Xukuumadda Somaliland waa inay door firfircoon ka qaadataa siyaasadda gobolka isla markaana si dhab ah u wajahdaa dhammaan arrimaha muhiimka ah.

Doorka masaarida oo soo laba kacleeyay:

Soo Laabashada Masar ee Siyaasadda Soomaaliya ayaa ah mid ka mid ah dhacdooyinka ugu weyn ee gobolka, waxa mudo yar gudohood hoos u dhacay xidhiidhka Somalia Iyo Masar laakiin hadana soo laba kacleeyay. Taageerada milatari ee Masar ay u fidinayso Soomaaliya ayaa hadda si cad u muuqata, iyadoo la soo sheegay in laba markab oo hub ah ay hore u gaareen Muqdisho, halka markab saddexaadna la filayo inuu soo gaaro dhowaan.

Waxaa iyana xidhiidhka Masar iyo Somalia sii xoogeeyay xidhiidh kale oo sadex geesood ah oo dhawaan dhexmaray Soomaaliya, Eritrea, iyo Masar, kaas oo lagu doonayo in lagu xoojiyo awoodda milatari ee Soomaaliya, Halka Masar ay hubka bixin doonto, Eritrea na ay ciidamada Somalia tabab siin doonto

Niyad-jabka Itoobiya soo gaadhi doona ka dib Burburka Heshiiska Ankara:
Dhanka kale, Itoobiya waxay waajahaysaa ama geli doontaa xaalad adag oo siyaasadeed. Waxa burbur ku dhaw Heshiiskii dhexmaray Itoobiya iyo Soomaaliya ee ay Turkigu dhexdhexaadiyeen, heshiiskaas oo markii hore loo arkayay guul weyn, hadda wuu burburay. Sida lagu sheegay wararka maanta, ilo lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in Soomaaliya ay si rasmi ah u diidday codsiga Itoobiya ee ah inay qayb ka sii ahaato ciidamada nabad-ilaalinta ee Midowga Afrika. Go’aankan waxa lagu gaaray kaddib kulan dhexmaray Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo Madaxweyne Isaias Afwerki.

Diidmadaas waxay calaamad u tahay burburka xidhiidhka Soomaaliya iyo Itoobiya, taasoo Itoobiya ka dhigi doonta mid keli ah. Halkii Itoobiya qayb ka ahaan lahayd ciidamada nabad ilaalinta oo ay hore uga tirsanayd, Masar ayaa hadda diyaar u ah inay Somalia u dirto 10,000 askari si ay u buuxiyaan kaalinta nabad ilaalinta.

Saamaynta Somaliland
Iyadoo isbahaysiyadani isbeddelayaan, Somaliland waxay ku jirtaa xaalad gaar ah oo daawasho ah. Fursaddan cusub waxay Somaliland u ogolaan kartaa inay wadahadallo wax ku ool oo midho dhal ah la yeelato Itoobiya, taas oo sare u qaadi karta kaalinteeda gobolka. Intaa waxaa dheer, Somaliland waa inay xidhiidhkeeda Turkiga wax ka badasho oo kasbato turkiga haday suurto gal noqoto, maadaama oo Turkigu door muhiim ah ku leeyahay diblomaasiyadda gobolka.

Fursad Istiraatiiji ah oo Somaliland u Taalla
Ka qayb qaadato arrimahan geeska maaha ikhtiyaar—waa waajib. Isbeddelka degdegga ah ee siyaasadeed ee Geeska Afrika waa mid u baahan in Somaliland mustaqbalka gobolka ay ka qayb qaadato.

xidhiidhka Itoobiya iyo haddii suurtagal ah la macaamilka Turkiga waxay Somaliland siin kartaa faa’iidooyin siyaasadeed iyo dhaqaale oo waaweyn, taas oo ka caawin karta inay xoojiso doorkeeda gobolka iyo inay dib u soo ceshato aqoonsi caalami ah oo ka lumay 1960 kii

Waxaa laga yaabaa inay jiraan dad dhaliilaya oo ku dooda in Somaliland ay ka fogaato siyaasadaha murugsan ee Geeska Afrika, laakiin aragtidaas waxay noqon doontaa mid kooban.

Somaliland in ay si firfircoon uga qayb qaadato arrimahan Iyo danaheeda waxay muhiim u tahay in Somaliland ay difaacan karto danahaheeda, waxay sidoo kale oo Somaliland ay muujin kartaa inay tahay mid saaxiib muhiim ah u ah xasilloonida gobolka.

Gunaanad
Geeska Afrika waxa uu marayaa meel xasaasi ah, Somaliland-na ma awoodo inay noqoto daawade. Isbeddellada isbahaysiyada gobolka, gaar ahaan saameynta sii kordheysa ee Masar iyo khilaafka Itoobiya iyo Soomaaliya, waxay Somaliland u keeni karaan fursado siyaasadeed, mid xasilooni Iyo mid dhaqaalaba

Haddii Somaliland ay wadahadallo la yeelato dhammaan dhinacyada oo ay firfircoon ka noqoto siyaasadda gobolka, waxay qaabayn kartaa mustaqbalkeeda isla markaana door muhiim ah ka ciyaari kartaa aayaha Geeska Afrika.

Waqtigu waa mid xasaasi ah. Hoggaanka Somaliland waa inuu kacaa oo tusaa aragti iyo go’aan ay lagama maarmaan u tahay waqtiyadan kacsan.

@highlight Waxa qoray
Kaiser Mohamed Gahayr
Email caarshe7@hotmail.com Baraarugnews@gmail.com