Shirkadda Dahabshiil oo Baaq Nabadeed dirtay ,
Hargeysa,(Baraarugtv.com)-Warsaxafadeed shirkaddu soo saartay ayaa lagu yidhi,
“Shirkadda Dahabshiil waxay ugu baaqaysaa labada dhinac ee walaalaha ah, ee is dhalay, xidid iyo xigaal ah, isla markaasna ku nool goobo aan kala fogayn ku nool (Buuhoodle iyo Qoru-lugud iwm) in ay xabadda iyo Dagaalka joojiyaan labada dhinac-ba si degdeg ah .
Xabad wiil iyo gabadhi toona kuma dhashaan ee way ku dhintaan.
Dhammaan qof walba oo xil haya dhamaan cidii masuuliyad haysa oo ay ku jiraan kuwa xilka dhaqan, Ganacsatada iyo culumo, waxaannu si xushmad iyo damqasho leh uga codsanaynaa in laga shaqeeyo nabadda oo ay doorkooda qaataan.”