“Shalay Wiilal iyo Hablo ayaa idinka dhintay.annagana Wiilal iyo Hablo ayaa naga dhintay. Weerar…”

0
79

Laascaanood(Baraarugtv.com)-“Waxaan daawaday hadalka kasoo yeedhay weftiga nabadeed ee uu hoggaaminayo Garaad Soofe. Nuxurka hadalka Garaadku wuxuu ku dhan yahay inta innaga wada dhimatay in kale yaynaan ku darin.

Garaad Soofe “Shalay Wiilal iyo Hablo ayaa idinka dhintay sidoo kale annagana Wiilal iyo Hablo ayaa naga dhintay. Weerar idinkuma nihin ee idinkuna ha na soo weerarina.

Dagaal ma rabno, dhulkiina ma rabno oo idin soo weerari mayno ee idinkuna dhulkiina jooga. Talo waxa yaqaana ninka kala doorta laba daran. In aan qof dambe innaga dhiman oo iminka la heshiiyo iyo in marka aynnu isku dhammaano kadib heshiino.”

Madaxdhaqameedka guud ee HJ iyo qabiil ahaanba beesha HJ, taariikhda Soomaalida waxay ku suntan yihiin dad talo qabeen ah oo maalmaha adag garnaqa ummadeed udub dhexaad u ah.

HJ waa reerka taariikhda Soomaalida ee garnaqa iyo cadaalada lagu majeerto ee uu kasoo jeedo Alle haw naxariistee Garyaqaankii Soomaaliyeed ee (Ina Sanweyne) sidaasi darteed colaada Qori-lugud iyo Buuhoodle daminteeda shaki kuma jiro in ay meel gobbeed dhigi doonaan oo NABAD u dalaalimayn doonaan.

Garta Ina Sanweynaa
Loo gaysan jiray.