Maxuu Daarnaa kulanka Dhex-marey Safiirka Tiawan Iyo Guddiga Doorashooyinka Somaliland

0
50

Hargeysa,(baraarugtv.com)-Guddiga Doorashooyinka Qaranka ee Somaliland, ayaa maanta xaruntooda ku qaabiley Safiirka Taiwan u jooga Somaliland Ambassador Allen Chenhwa Lou oo ay weheliyaan dublomaasiyiin kale oo ka hawl-gala Xafiikooda Hargeya

  1. Kulan oo uu goobjoog ka ahaa Safiirka Somaliland ee dalka Taiwan Maxamed Xaaji, waxa ay Komishanka doorashooyinku warbixin ka siiyeen safiirrada hawlaha diyaar-garowga iyo derdergalinta doorshaooyinka soo socda ee madaxtooyada iyo Ururrada oo ku muddeysan daba-yaaqada bisha November ee sannadkan..

Sida lagu sheegay war kooban oo ka soo baxay Guddiga Doorashooyinka, warbixinta kaddib, waxa uu Ambassador Allen ballan-qaaday inay dawladda Taiwan ka qaby-qaadanayso dhaqaalaha ku baxaya Doorashooyinka isa-saarka ah ee Madaxtooyada iyo Xisbiyada Qaranka Somaliland.