Mareeyaha Guud Dekaddaha Somaliland Oo Faahfaahin Ka Bixiyey Qalab Casri Ah Oo La Keenay Dekedda Berbera

0
104

Berbera(Baraarugtv.com)-Maareeyaha Dekedaha Somaliland oo Xadhiga laga Jaray Qalab Casriya Oo Lagu Soo Kordhiyey Dekeda Caalamiga ah ee Berbera.Isla markaaba Maareeyaha guud ee Dekedaha Somaliland Eng. Siciid Xassan Cabdillaahi, ayaa Maanta Xadhiga ka jaray qalab cusub oo lagu ogaanayo badeecadaha kala duwan ee ku jira koontiinarada kasoo dega dekeda caalamiga ah ee berbera.

Maareeyahaha Dekedaha Somaliland oo markii  xadhiga laga jaray adeega casriga ah ee lagu soo kordhiyey Dekedda Berbera,faahfaahin ka bixiyey faa,iidada ugu jirta Dawladda iyo qaranka somaliland,Balse Mareeyaha ayaa xusay in qalabkan uu wax weyn ka tqridoono  badeecadaha kala duwan ee ka soo dega dekeda caalamiga ah ee Berbera.

Mareeyaha Dekeddaha Somaliland Eng.Siciid Xassan Cabdillaahi, ayaa sheegay in qalabka maanta lagu soo kirdhiyey Dekedda Berbera tahey mid  horumar weyn oo baladhan ku soo kordhinaysa  qaranka somaliland. uu maalinba maalinta ka danbeysa uu ku talaabsanayo isagoo ka waramay faaiidada uu adeegani u yeelan doono ganacsatada ka duwan ee badeecadaha kala soo degta dekeda berbera iyo shaqada uu u qaban doono qaranka somaliland.

Halkan Hoose Ka Daawo Muuqaalka Maareeyaha Dekedaha Somaliland oo Arrintaasi Faahfaahinaya.