Itoobiya Oo daahfurtay Dood ku saabsan biyaha Wabiga Niil iyo badda Cas

0
73

Itoobiya(BaraarugTV.com)-Machadka Arrimaha Dibadda ee Itoobiya (IFA) ayaa daahfuray daraasad istiraatiji ah oo ku aaddan Wabiga Niil iyo Badda Cas, taas oo magaceedu tahay, “The Grand Strategy of Two Waters”.

Agaasimaha Machadka, Jacfar Berdu ayaa sheegay in Webiga Niil iyo Badda Cas ay istiraatiijiyad muhiim ah u leeyihiin amniga qaranka Itoobiya.

Wuxuu kaloo xusay in istiraatiijiyada ay soo bandhigeen ay dalwadda Itoobiya ka caawinayso damaceeda ku aaddan ku soo laabashada Badda Cas si ay u hesho marin badeed ay iyadu leedahay.

Tani waxay cadayn u tahay damaca aan dahsoonayn ee Itoobiya, si kasta oo ay iskugu dayaan dadka doonaya in ay daboolaan ama daah la saaraan.