Ukria,(Baraarugnews.net)-Todobaadkii ugu horreeyay ee duullaanka uu Ruushka ku qaaday dalka Ukraine, ayaa Madaxweyne Vladimir Putin waxa uu sare u qaaday walaaca laga qabo in caalamka uu ka dhaco dagaal loo adeegsado hubka wax gumaada ee nukliyeerka, ka dib Waxa uu ciidanka qaabilsan hubkaas ku amray inay galaan heegan sare.Balse maaha markii ugu horeeyay ee uu caalamka wajaho khatar noocaas ah, ama khalad bani’aadan uu sabab u noqon gaadho dagaalka saddexaad ee dunida.
Xilli ku beegnayd Habeennimadii 25-kii October 1962-kii khalad ka dhacay askari ilaalo ka ah saldhiggii ciidanka ee Duluth ayaa horseedi gaadhay in Maraykanka uu isticmaalo hubkiisa nukliyeerka. Askariga ayaa rasaas digniin ah iyo qeylo dhaan isugu daray wax ugu muuqday qof doonaya inuu ka soo tallaabo gidaarka xarunta.
Qof kale oo ku sugnaa xarunta ciidanka cirka ee Volk Field, oo u dhawaa saldhigga ayaa abuuray xaalad degdeg ah, waxaana durbadiiba la diyaariyay diyaaradaha xambaara hubka nukliyeerka ee uu leeyahay Maraykanka.
Waxaa xilligaas meel adag maraysay xiisaddii ka dhalatay gantaallada Cuba. 11 maalmood ka horna, diyaarad basaasnimo oo uu Maraykanka leeyahay ayaa sawirro ka qaaday qalabka gantaallada rida oo uu Midowgii Soofiyeet geeyay Cuba, taasoo loo fasiray inuu diyaar u yahay duullaan ka dhan ah Washington.
Ilaalada saldhiggii Duluth ayaa markii dambe ogaaday waxa xaaladda abuuray in aanu ahayn qof ku soo xadgudubay ee uu ahaa bahal nooca loo yaqaan di’bi.
Taliyihii saldhigga ciidan ee Volk Field ayaa ku amray duuliyayaasha inay demiyaan diyaaradaha dagaalka ee diyaarka u ahaa inay kacaan.
Sidoo kale, sanadkii 1958 diyaarad ayaa si lama filaan ah bambo nukliyeer ah ay uga fakatay deyrka dambe ee guri la degan yahay. Nasiib wanaag, ma uusan qarxin bamka, cidna waxba kuma noqon.
25-kii January 1995, Madaxweynihii Ruushka ee xilligaas Boris Yeltsin ayaa noqday hoggaamiyihii ugu horreeyay caalamka ee fura shandada nukliyeerka oo ay ku jiraan xogta isticmaalka hubkaas wax gumaada.
Shaqaalaha raadaarka Ruushka ayaa ogaaday in gantaal laga soo riday xeebta Norway. Durbadiiba Yeltsin ayaa talo-geliyay saraakiisha ugu saraysa ciidankiisa si uu uga jawaabta gantaalkaasi u muuqday inuu ku wajahan yahay Ruushka, balse daqiiqado kadib ayaa la ogaaday inuu u jihaystay badda oo uusan khatar ku ahayn Ruushka.
Markii dambe waxaa la ogaaday in gantaalka uu ahaa mid sahan cilmi-baaris loo ganay. Mas’uuliyiinta Norway ayaa la yaabay khatarta ay horseedi gaareen, walow ganidda gantaalka la shaaciyay bil ka hor xilligaas.
“Taasi waxay horseedi kartay in si aan ula kac ahayn uu u bilowdo dagaal nukliyeer ah. Mar haddii la rido gantaal nukliyeer ah, ma jirto qaab looga daba tegi karo ama xitaa lagu burburin karo,” ayuu yidhi William Perry oo ahaa xoghahaya arrimaha dibedda ee xukuumaddii Bill Clinton.
Xilligii uu socday dagaalkii qaboobaa ee dunida, waxaa la hirgeliyay nidaam lagu ogaan karo marka la gano gantaal xambaara hubka nukliyeerka.
Maraykanka ayaa leh dayax gacmeedyo heegan ugu jira in markasta ay ogaadaan isticmaalka hubka nukliyeerka. Waxaa kamid ah afar si joogta ah u dul meera dhulka. Si loo ogaado halka uu ku beegan yahay gantaalka iyo xawaaraha uu ku socdo, waxa uu Maraykanka diyaarsaday raadaaro aqoonsan kara xawaaraha iyo halka uu ku beegan yahay gantaalka.
“Marka la xaqiijiyo in gantaalka uu soo baxay, waxaa lagu wargeliyaa Madaxweynaha Maraykanka, oo daqiiqado gudahood ku go’aansada qaabka uu uga falcelinayo weerarkaas,” ayuu yidhi Perry.
Cillad Tiknoolajiyad
Khalad ka dhasha isticmaalka hubka nukliyeerka ayaa waxa uu ka dhalan kara cillad farsamo ama mid bani’aadan (ama labada oo is biirsaday). Sanadkii 1980, waxaa dhacday cillad tiknoolajiyadeed oo horseedi gaadhay dagaal nukliyeer la isu adeegsado.
Perry ayaa sheegay in saqda dhexe laga soo wacay taliska xafiiska ilaaliya hawada Maraykanka, isla markaana loo sheegay in kombiyuutarradooda ay muujinayaan 200 oo gantaal oo uu Midowga Soofiyeet ku soo ganay Maraykanka. Daqiiqado kadib ayaa la ogaaday in aysan jirin gantaallo lagu soo weerarray Maraykanka, balse ay ahayd cillad dhanka tiknoolajiyadda ah.
“Ka hor inta aan la i soo wicin, waxa ay la hadleen xafiiska Madaweynaha, oo la taliyihiisa amniga qaranka ayaa ku dhawaa inuu hursada ka kiciyo Madaxweyne Carter. Balse durbadiiba waxaa la ogaaday in kombiyuutarta uu cilladeysnaa,” ayuu yiri Perry.
Haddii Madaxweynaha la kicin lahaa, waxa dhab ah in ay horseedi lahayd in Maraykanka uu ka jawaabo gantaallo aan jirin, sidaana uu ku billaaban lahaa dagaal lagu hoobto. Xigasho BBC,.Iimeelada Xafiiska Guud ee baraarugnews@gmail.com or caarshe7@hotmail.com