0
22

-.
Wargeyska ugu caanka dalka Pakistan, ayaa si weyn u lafo-guray horumarka baaxadda leh, ee ay ku talaabsatay dekedda caalamiga ah ee Berbera.
Tafatiraha Warsidaha The Advocate Post Abdul Rafay Afzal, oo badhtamihii bishan May booqasho ku yimi Somaliland, warbixino kala duwana ka diyaariyay horumarka Somaliland ku talaabsatay, ayaa qiimeyn u sameeyey waxa uu ku tilmaamay Dekeda Berbera ta kowaad ee Wadaamada Geeska.
Tafatiraha Warsidaha The Advocate Post Abdul Rafay Afzal, oo booqday Dekedda Caalamiga ah ee Berbera, ayaa soo dhoweyn balaadhan kala kulmay Maareeyaha guud ee Dekedaha Jamhuuriyadda Somaliland Eng. waxanu warbixin kooban ka siiyay horumarka baaxadda leh ee ay ku talaabsatay Dekeddu.
Wargeyska ayaa ku tilmaamay Dekeda Berbera mid caalamiga ah, isla markaana isbeddelka ay ku sameysay uu xuddun u yahay istaatiiga badda Gacanka Cadmeed.
Maareeyaha Dekeddaha oo Eng. Siciid Xasan oo waraysi siiyey wargeyska The Advocate Post, ayaa shaaca ka qaaday in dekeddu ay hadda gacanta ku hayso in ka badan 4 milyan oo unug (Koontiinar)sannadkii, taas oo ah arrin aad u weyn oo laga soo bilaabo xilligii DP World ka hor oo ah dekeddu lahayn dhaqdhaqaaq ganacsi oo saamayn ku leh wadaamada Geeska. “Maanta, Berbera waa Deked caalami ah oo tartan loogu jiro, awoodna u leh inay u noqoto xudunta ganacsiga Geeska Afrika*,” ayuu yidhi.
Maareeye Siciid Xasan waxa uu ku nuuxnuuxsaday faa’iidooyinka istiraatijiyadeed ee Berbera:
Goobta ugu muhiimsan: U dhawaanshaha marin-biyoodka Bab al-Mandab waxay xaqiijisaa badbaadada, marinnada rarida ee hufan.
– Amniga & Xasiloonida: “Tan iyo markii Somaliland la aas aasay, xuduudaheenna baddu waxa ay ahaayeen kuwo ka madax bannaan falal aan sharci ahayn ee argagaxisada,” ayuu yidhi maareeye Siciid. waxanu intaa ku daray xusay. “Dekeddu waxay si firfircoon u raadisaa macaamiil iyo saamayn xoogan inay ku yeelato Wadaamada Sahaaraha ka hooseeya. Dekeddu waxay bixisaa, kaabayaal casri ah iyo adeegyo casriya oo tayo badan.
Maareeyaha Dekedda Somaliland Siciid Xasan, waxa uu Cadeeyey, inay Dekeda Berbera diyaar u tahay inay kobciso ganacsiga gobolka iyo soo jiidashada maalgashiga. Kobaca dekeddu waxa uu la jaan qaadaya himilada dhaqaale ee ballaadhan ee Somaliland, iyada oo ka faa’iidaysanaysa madaxbannaanideeda iyo xasiloonideeda si ay ula tartanto dekedaha jaarka ah”.
Wargeyska, ayaa sidoo kale sheegay siday Somaliland uga faaiidaysatay maalgelintii Shirkadda Dp ku samaysay Dekedda Berbera.
Balaadhinta Berbera waxa ay hoosta ka xariiqday madax-banaanida Somaliland iyo awoodda dhaqaale ee dhabta ah.
– Iskaashiga sida DP World ee $442 milyan maal-gelinta (2017) ayaa la casriyeeyay, awoodda saddex jibaarantay. Guusha dekeddu waxa ay dib u qaabayn kartaa dhaqdhaqaaqa ganacsi ee Bariga Afrika.
Wargeyska Advocate Post waxa uu sii dayn doonaa waraysi dhamaystiran oo uu la yeeshay Maareeyaha guud ee Dekedaha Somaliland Eng. Siciid Xasan, isagoo si qoto dheer u eegaya mashaariicda mustaqbalka ee Berbera iyo istaraatiijiyadda badda Somaliland.