Jabuuti,(Baraarugtv.com)-Xildhibaan Maxamed Abiib, ayaa xaalad caafimaad loola carrarey dalka Jabuuti.Isla markaana Xildhibaan Maxamed Abiib ayaa la Sheegay in siqarsoodiya Madaxweynaha dawladda Jabuuti Ismaaciil cumar Geelle ugu qaadey dalkiisa,isagoo Ka bixiyey lacagta ku baxaysa xaafimaadkiisa ee Lagaga qaadey Caasimada Somaliland Ee magaalada Hargeysa.
Ilo-wareedo Lagu kalsoon yahey,kana ag-dhaw,una-dhuun daloola Xafiiska Madaxweynaha dawladda Jabuuti Ismaaciil cumar Geelle Ayaa u Sheegay Wakaalada Red Sea Intelligence in Xildhibaan Maxamed Abiib xanuun xaalad caafimaad dawladda Jabuuti u gaysay cisbitaal ku taal dalkeeda.Isla markaana Ilo-wareedada ayaa tibaaxay in Xildhibaan Maxamed Abiib sababta xanuunkiisu tahey mukhaadiraad,daraagiska qaadka iyo cabitaanka sigaarka,kuwaasoo xusay in balwada qaadka Oo Ka mid ah madooriye daraagiska ah Oo xoog u isticmaaley ay ku keentay naftiisii arrin halis iyo khatar caafimaad-daro Xildhibaan Maxamed Abiib,taas
Cisbitaalka la yidhaahdo Xasan Cumar Albashiir Oo ah cisbitaal loogu talo galey ciidanka militariga dawladda Jabuuti,Balse cisbitaalka Xasan Cumar Albashiir ayaa caafimaad ahaan loo geeyaa siyaasiyiin,masuuliyiin iyo Xildhibaano Ka tirsan dawladaha kale ee soomaalida iyo afrika u basaasa Madaxweynaha Jabuuti la qarinayo ayay dawladda Jabuuti ku dawaysaa, si aan loo arrag ama loo ogaan.
Warku wuxuu intaa ku farayaa in Xildhibaan Maxamed Abiib Oo Ka tirsan Aqalka Golaha Wakiiladda Somaliland, uu gacanta ku Dhigay Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil cumar Geelle Oo shaqaale Ka tirsan dawladiisa Jabuuti.Isla markaana Madaxweyne Geelle ayaa u xilsaarey Xildhibaan Maxamed Abiib innuu Ka shaqeeyo si uu ugu Dhawaan lahaa Madaxweynaha Somaliland Cabdiraxmaan Cirro iyo gacan saar la yeesho Xubnaha xoghayntiisa,ilaaladiisa gaarka,shaqaalaha madaxtooyada iyo Xubnaha u shaw ee Qoyskiisa Madaxweyne Cirro,ayuu kula Taliyey Xildhibaan Maxamed Abiib.
Xafladdii furitaanka Cisbitaalka Xasan Cumar Albashiir Madaxweynaha Dalka Jabuuti Ismaaciil cumar Geelle ayaa munaasibadii xadhig Ka jarista cisbitaalka wuxuu Ka Sheegay in qalabka casriga ah ee la keenayo Cisbitaalka u adeegi doono ciidanka militariga iyo shacabka Jabuuti.
Qaar Ka mid ah dhakhaatiirta iyo shaqaalaha Cisbitaalka Xasan Cumar Albashiir ee dalka Jabuuti Oo Ka gaabsadey magacooda in la sheego,sababa la xidhiidha arrimo amaan, ayaa u Sheegay Wakaalada Red Sea intelligence in cisbitaalka Lagu daweeyo Oo kaliya madaxda dawladda,madaxweynaha Jabuuti iyo qoyska Ismaaciil cumar Geelle.
Dhakhaatiirta Ka shaqaysa dhakhtarta Xasan Cumar Albashiir ee dalka Jabuuti,ayaa Sheegay in dawladaha Farasiiska iyo Shiinuhu galiyeen cisbitaalkan qalab casri ah, Isla markaana Madaxweyne Geelle uu keeno cisbitaalka si loogu daweeyo masuuliyiin,xildhibaano iyo soyaasiyiin si-qarsoodiya ula shaqeeya ama Ka agdhaw madaxtooyada Madaxweynayeyaasha Soomaaliya Xasan Sheekh iyo Somaliland Cabdiraxmaan Cirro iyo madaxweynayeyaashii Ka horeeyay u Soo gudbiya arrimo sir Oo hab-basaasnimo ah ugu adeega Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil cumar Geelle ayaa Lagu daweeyaa cisbitaalka Xasan Cumar Albashiir,kuwaasoo hab dhuumasho ah Lagu keeno dhakhtarka.