Xukumadda Oo Ballantii Kaga Baxday Xildhibaannadii Mucaaradka ee Faratoon u codeeyay

0
1569

Xukumadda Madaxweyne Biixi ayaa la sheegay in ay ka laabatay qorsheyaal iyo ballanqaadyo ay kula heshiisay xildhibaannadii ay dhinaca mucaaradka kala wareegtay xilligii loolanka Shirguddoonka Golaha Wakiillada Somaliland socday.

Xogo uu helay wargeyska Waaberi ayaa sheegay in xildhibaannadan lagula heshiiyay arrimo ay ka mid yihiin, adduun lacageed, mashaariic horumarineed oo deegaanadooda laga fulinayo, xilal iyo shaqaale deegaannada laga soo doortay la siinayo iyo dano iyaga u gaar ah kuwaas oo dhammaantood fulayay marka doorashada shirguddoonku dhacdo marka laga reebo xogaa kharashaad ah oo horumarin loo siiyay.
Xog Ku Saabsan Kulan Xasaasi ah Oo Dhexmaray Madaxweyne Biixi Iyo Musharraxiintii Beelaha Arab
Xildhibaannadan oo ka soo baxay xisbiyada UCID iyo WADDANI ayaa la sheegay in tan iyo markii Kulmiye ku guuldarraystay doorashadii Shirguddoonka dhabarka loo jeediyay islamarkaana aanay jirin cid dambe oo arrimahaas kala hadasha. Madaxdii Xukuumadda Biixi iyo Xisbiga Kulmiye iyo shakhsiyaadkii kale ee ka shaqaynayay isku xidhka xildhibaannada iyo xukuumadda ayaa la sheegay in ay hadda ka warwareegayaan arrintaasi, islamarkaana aanay waji ay madaxweyne Biixi kula hor tagaan lahayn fulinta ballamihii loo qaaday xukumadda sidaas awgeedna ay isku tuurtuurayaan mudaneyaashan,
Siyaasiyiinta la filayo In Madaxweyne Biixi Xukumaddiisa ku daro iyo kuwa ka bixi doona

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here