“Xisbi Yidhaahda Cirkaan Soo Duminayaana Shaqayn Mayso. Hebel Xamar Ayuu

0
485
"Xisbi Yidhaahda Cirkaan Soo Duminayaana Shaqayn Mayso. Hebel Xamar Ayuu

Hargeysa,(Baraarugnews.net)-“”Denbi kasta oo dhaca oo qof ku dhaca ama hay’ad dawladeed ama urur gaar looleeyahay ku dhaca waxaa laga galay qaranka isaga ayaana dhibane ka ah. Debniga dabeecadiisu waxa weeye( Crime against the State) waxaana talaabada ugu horraysa ka qaadaya waaxda fulinta, waxaanay mudadii sharcigu cayimay ugu gudbinayaan waaxda garsoorka hadba heerka ku shaqada leh.
Heerkaas marka lamarayo cidda denbiga loo haystaa waa eedaysane ilaa maxkamadi xukunto.
hadii danbi dhaco khadab maaha in cidda laga galay soo dacwooto, qaranka ayaa waajibaadkiisa qabsanaya.
Haysku khaldina dacwadaha madaniga ah iyo kuwa ciqaabta ah.Laba Sheeko midna iminka dalkeenna ka socon mayso, xisbi hebel Xamar ayuu innagu wadaa shaqayn mayso dhammaanteen Somaliland ayeynu nahay. xisbi yidhaahda Cirkaan soo duminayaana shaqayn mayso dalkeennu wuu ka gudbay,”Sidaa waxa yidhi Wasiirka Wasaarada Biyaha Somaliland Cali Mareexaan oo barta uu ku leeyahay baraha bulshadu ku wada xidhiidho ee Facebuugiisa xafiiska wararka ee shabakada Baraarugnews.net ka soo xigatey.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here