Xarunta maamulka Puntland Oo Saaka Ku Waabariisatay Dagaal Iyo Dayaanka Rasaasta

0
239

Garoowe,(Baraarugnews.net)-Dagaal saaka alaasaydii ka qarxay gudaha magaalada XARUNTA U AH MAAMUL-GOBOLEEDKA SOOMAALIYA EE pUNTLAND,ISLA maraakana dad goob joogayaal ah ayaa u sheegay mar-dhawayd Idaacadda radio baraarug media in ay hurdada ka kicisay rasaas xoogan oo meelo kala duwan ka dhacaysa xaafadaha Garoowe.
Caasimadda Puntland ee Garoowe, waxa ay saaka ku waabariisatay rasaas si goos goos ah loo maqlayo, ka dib dhaqdhaqaaqyo ciidan oo tan iyo xalay ka jirey magaalada ka gadaal markii ay xalay qaybo magaalada kamid ah soo galeen ciidamo ka tirsan Puntland oo taabacsan mucaaridka diidan Diwaangelinta Doorashada qof iyo cod ee Puntland, taasi oo ilaa hadda si habsami leh uga qabsoontay shan gobol.
Dhinaca kale waxa jira wada-hadallo aan weli guuleysan oo u socda dowladda iyo siyaasiyiinta mucaaridka ah.
Maalinta berri ah ayaa Guddiga Doorashooyinku ay u qorsheeyeeen in ay gobolka Nugaal ka bilaabaan Diwaangelinta Doorshada.
ma jirto ilaa hadda war-rasmi ah oo la og yahay cidda dagaalka qaaday iyo khasaaraha ka dhashay .

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here