Weftiga Maraykanka, waxaanu ka wada hadalnay xaaladda siyaasadda Geeska Afrika.arrimaha doorashooyinka Somaliland.”

0
467

Hargeysa,(Baraarugnews.net)-Guddoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee Waddani Xirsi Cali Xaaji Xasan, ayaa ka hadlay waxyaabaha ay ka wada hadleen weftiga dalka Maraykanka ee socdaalka ku yimi caasimada somaliland ee Hargeysa.
Guddoomiyaha xisbiga Waddani Xirsi oo barta uu ku leeyahay baraha bulshadu ku wada xidhiidho ee facebuugiisa ku baahiyey qoraalkan shabakada wararka ee baraarugnews.net ka soo xiganay ayaa u dhignaa sidan.”Cashadii xalay iyo Wafdigii Maraykanka. Waxaannu xalay munaasibad casho ah la qaadanay wafdi Maraykan ah oo uu hoggaaminayo Cole Rojewski oo ah madaxa shaqaalaha xafiiska Kay Granger oo Baarlamaanka Maraykanka ka mid ah oo maalmahan socdaal shaqo ku joogay Somaliland.
Weftiga Maraykanka ee socdaalka ku yimi dalka Somaliland, waxaanu ka wada hadalnay xaaladda siyaasadeed ee Geeska Afrika, Iskaashiga Somaliland iyo Maraykanka ee dhanka horumarka, dimuqraaddiyadda iyo doorashooyinka.
Haddii aannu nahay Xisbiyada Mucaaradka, waxaannu wefdiga si gaar ah uga wada hadlnay arrimaha doorashooyinka ee xilligan Somaliland ka taaggan iyo sidii loo dardar gelin lahaa socodsiinta dimuqraadiyadda iyo doorashooyinka Somaliland.”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here