“Weerarkii Maanta Al-shabaab Uu Jawaab u Ahaa Doorashada Shir-guddoonka Baarlamaanka Lagu Qabto Teendhada Afisyoone Ee Muqdisho.Maalmahan Oo… ”

0
390
“Weerarkii Maanta Al-shabaab Uu Jawaab u Ahaa Doorashada Shir-guddoonka Baarlamaanka Lagu Qabto Teendhada Afisyoone Ee Muqdisho.Maalmahan Oo… ”
“Weerarkii Maanta Al-shabaab Uu Jawaab u Ahaa Doorashada Shir-guddoonka Baarlamaanka Lagu Qabto Teendhada Afisyoone Ee Muqdisho.Maalmahan Oo… ”

Muqdisho,(Baraarugnews.net)-Guddoomiyaha xisbiga Wadda-jir ee Soomaaliya Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame , ayaa sheegay in kooxda argagixisada Al-shabaab xoog ku galinoo xeradda Xalane.
“Al-Shabaab xoog kuma soo gelin gudaha, wayna cadahay in lala shaqeeyey, loona fududeeyey hawlgalka. Waxaa kaloo iyana muuqata in weerarkii maanta uu jawaab u ahaa farriintii ahayd in doorashada guddoonka Baarlamaanka lagu qabto teendhada Afisyoone ee Muqdisho,” Ayuu yidhi Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo qaraalka warkan ku faafiyey barta uu ku leeyahay baraha Bulshadu ku wada xidhiidho ee facebuug.
Cabdiraxmaan wuxuu intaa ku sii daray hadalkiisa oo uu yidhi.”Maalmahaan oo idil waxa ina soo gaadhayey digniino isi soo tarayey oo ku aaddan amnigeenna shakhsiga ah iyo in la qorsheynayo weeraro lagu qalqal gelinayo amniga, laguna abuurayo cabsi gelin. Weerarka maanta ka dhacay xerada Xalane waa billowgii hawlgalladaas.”
Sidoo kale, Cabdiraxmaan Cabdishakuur, ayaa sheegay in dalka uu ku jira xilli xasaasi ah oo kala guur ah, isaga oo ku eedeyay in hay’adihii amnigana ay gacanta ugu jiraan koox aan sariig lahayn oo waddo kasta u maraya xaqiijinta dantooda shakhsiga ah, sida uu hadalka u dhigay.Balse wuxuu ugu baaqay Ra’iisul Wasaare Rooble in uu tallaabo qaado, islamarkaana uu intaan ka badan indhaha ka laaban karin masuuliyada ka saaran dalka, gaar ahaan amniga iyo howlaha xil-wareejinta xiliga kala,waxaanuu yidhi.“Waa in Xukuumaddu qaaddo tallaabooyin muuqda oo dib u habayn lagu sameeyo hoggaanka hay’adda amniga, xilkoodana loo dhiibo shakhsiyaad lagu aamino karo amniga dalka, farahana kula jirin siyaasadda iyo doorashooyinka. Haddii aysan taasi degdeg u dhicin, waxaa ka dhalanaya in shacabku idinka iyo dawladnimada oo idilba uu ka aamin baxo.”
Iimeelada Xafiiska Guud ee baraarugnews@gmail.com or caarshe7@hotmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here