“Waxaan soo dhawaynaynaa qoraalka beesha Caalamka. inaanu diyaar u nahay doorashada madaxtooyada ee 2022. Waxaan ugu baaqayaa taageerayaasha xibiga Waddani inay u diyaar garoobaan doorashada”

0
445

“Waxaan soo dhawaynaynaa qoraalka  beesha Caalamka. inaanu diyaar u nahay doorashada madaxtooyada ee 2022.  Waxaan ugu baaqayaa taageerayaasha xibiga Waddani inay u diyaar garoobaan doorashada”

Hargeysa,(Radi Baraarug.com)-Xisbiga mucaaradka Somaliland ee Waddani, ayaa soo dhaweeyay qoraal ay soo saaren qaar kamid ah waddamada reer Yurub iyo Maraykanka, oo ay ku sheegeen in xukuumada Somaliland ay doorashada madaxweynaha wakhtigeeda ku qabanayso isla markaan, ay diyaarisay kharash keeda.

Xogeeyaha guud ee xisbiga Waddani Khadar Xuseen Cabdi, ayaa qoraal uu ku baahiyay bartiisa Facebook ku sheegay in ay soo dhawaynayaan qoraalka isla markaana, ay dhinacooda diyaar u yihiin in ay ka qayb galaan doorashada.

“Waxaan soo dhawaynaynaa qoraalka ay soo saareen saxiibada Somaliland ee beesha Caalamku. Waxaanu caddaynaynaa sida qoraalkaba lagu sheegay xisbi ahaan inaanu diyaar u nahay doorashada madaxtooyada ee 2022.  Waxaan ugu baaqayaa taageerayaasha xibiga Waddani inay u diyaar garoobaan doorashada” ayuu yidhi xoghayaha xisbiga Waddani. Khadar.

Warbixin ay si wada jir ah Jimcihii, 22, October usoo saareen waddamada Maraykanka, Denmark, Ingiriiska, Finland, Germany, Netherlands, Sweden iyo Midowga Yurub, ayaa lagu sheegay in xukuumada Somaliland ay diyaar u tahay qabashada doorashada madaxtooyada ee sannadka 2022, isla markaana, ay miisaaniyada sannadka danbe ku dartay kharashka doorashada.

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here