“Waxa aan soo bandhigay fursadaha dalkeenna horumarinta iyo caqabadaha ku xeeran”

0
239
Waxa aan soo bandhigay fursadaha dalkeenna ee horumarinta beeraha
Waxa aan soo bandhigay fursadaha dalkeenna ee horumarinta beeraha iyo caqabadaha ku xeeran

Muqdisho(baraarugnews.net)-“Waxa aan ka qeyb-galay Meertada 46-aad ee Golaha Sanduuqa Qaramada Midoobey u qaabilsan horumarinta Beeraha IFAD anigoo uga mahadceliyey cafinta daymihii ay ku lahaayeen Soomaaliya oo dhan 30 Malyan oo doolar.
Waxa aan soo bandhigay fursadaha dalkeenna ee horumarinta beeraha iyo caqabadaha ku xeeran, anigoo tilmaamay in ay nasiib darro tahay in Soomaaliya oo dal hodan ah ay dadkeenu u baahdaan sannad kasta gurmad iyo quudin degdeg ah,
Shacabka Soomaaliyeed waxay ka jawaabeen baaqa dowladda ee ku saabsanaa in aan u istaagno dabar-goynta argagixsada , iyadoo Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliyeed oo garab ka helaya dadka deegaannada ay ku guuleysteen xoreynta deegaanno badan. Dhulka la xoreeyay waxaa ka mid ah dhul-beereed badan oo ku habboon maalgashiga iyo beerashada, waxaanna ku rajo weynahay inay taasi dhici karto.”ayuu yidhi xasan sheekh maxamuud.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here