Wasiirka Arrimaha Dibadda xukuumadda Muuse Biixi Al-shabaab Iyo Dalka Somaliland

0
245
Wasiirka Arrimaha Dibadda xukuumadda Muuse Biixi Al-shabaab Iyo Dalkii Somaliland
Wasiirka Arrimaha Dibadda xukuumadda Muuse Biixi Al-shabaab Iyo Dalkii Somaliland

Laascaanood,(Baraarugnews.net)-Xukuumadda Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi ayaa dawladdaha caalamka u gudbisay in dagaalka ka socda Gobolka Sool uu yahay mid ay gudaha u soo gashay kooxda Al-shabaab ee ka dagaalanta koonfurta Soomaaliya.
“Waxaanu haynaa maxabiis Al-Shabaab ah.waxanu haynaa maxabiis Puntland. waxaanu diyaar u nahay in aanu tusno beesha Caalamka , ma jirto dagaal u dhaxeeya Somaliland iyo shacabka reer Laascaanood.
Waxaa jira dagaal iyo weerar ka imanaya kooxo Maleeshiyaad ah oo ku xidhan ururka AS
Maayarka Laascaanood wuu iscasilay si uu ugu biiro ciidanka Maleeshiyaadka ah .
Ciidamada Somaliland waxay awood u leeyihiin inay dalkooda difaacan, iyaga oo hada-na is xakameynaya “
Haddalka ka soo baxaaya Wasiiradda xukuumadda iyo taliyahaCiidanka qaranka uu gadh-waddeenka ka yahay Madaxweyne Muuse Biixi, ayaa hadalo is-khilaafsan oo mid-ba wax gaar ah ayuu ku macnaynayaa xaaladda colaada iyo dagaaladda ka aloosan magaaladda Laascaanood,iyaddoo markii garaaddada beesha dhulbahante ciidamaddii garaad wal-ba ku dhoola-tusanayey iyo wixii ay jiidanayeen gudaha isugu shubayeen Laascaanood hadalka maanta ka soo yeedhaaya Masuuliyiinta maamulka Muuse Biixi wax ka duwan ayey ku sifeeyeen ciidamaddii hubka la soo galay Gobolka Sool magaalo madaxdiisa Laascaanood.Balse shacabka Somaliland, iyo dawladdaha afrika iyo caalamkuba waxay ku dawaqeen, shaki-weyna ku abuuray masuuliyiinta dawladda ee kala hadlaaya waxay sheegayaan ka run iyo been ah,taasina waxay keentay kalsooni daro ayey ku riday bulshada iyo caalamkaba.
Xigasho BBC English
Xafiiska E-mail: Xafiiska baraarugnews@gmail.com or caarshe7@hotmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here