Wasiir xukuumadda Muuse Biixi oo ku kibray dad reer sonaliland ah

0
169

_Dhacdo La Yaab Leh…..! Baabuurta Wasiir Cali Mareexaan Oo Burco Ay Jiidheen Iyo Saxafiyiin La Toogan Gaadhay.

Mid ka mid ah gaadiidka Wasiir Cali Mareexaan oo xawaare sare ku socda ayaa shil ku galay gudaha Burco .

Gaadhiga wasiirka oo ay saarnaayeen qaar ka mid ah shaqaalihiisu ayaa xoog ku dhex marayey jidka Burco waxaana ay taasi sababtay shil baabuur oo keenay khasaare hantiyeed .

Arrintan oo ah masuuliyad darro weyn oo ay ku kaceen kooxda ku hareeraysan Cali mareexaan ayaa layaab ku noqotay Bulshada Burco.

Dhanka kale saxafiyiin goobtaasi soo gaadhay ayaa isku day dil toogasho ah lagula kacay , waxaana halkaasi askarta wasiir Cali mareexaan soo dhoobay ay qoryo ku horjoogeen sidii aan xog looga heli lahayn shilkaasi.Maxamed Moto oo ka mid ahaa wariyaasha goobtaasi ku sugnaa ayaa qori lagu qabtay iyadoo ay gayateen handaad cago juuglayn iyo hankabaad.Waa falkii labaad ee Burco ka sameeyeen shaqaalaha wasiir cali Xigasho:_Weriye Ayaanle Cige.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here