Wasiir Iska Casilay maamul-goboleedka Koonfur Galbeed &Kursiga Innaan Joogo Wax Ay Faa’idaynayso Malaha.Ciidamada Itoobiya Waa…

0
192
Wasiir Iska Casilay maamul-goboleedka Koonfur Galbeed &Kursiga Innaan Joogo Wax Ay Faa’idaynayso Malaha.Ciidamada Itoobiya Waa…
Wasiir Iska Casilay maamul-goboleedka Koonfur Galbeed &Kursiga Innaan Joogo Wax Ay Faa’idaynayso Malaha.Ciidamada Itoobiya Waa…

Baydhabo(baraarugnews.net)-Xaalada ka taagan maamulka Koonfur-galbeed ee Soomaaliya ayaa cirka isku sii shareeray saacadihii u dambeeyay.Wasiirkii warfaafinta maamulka Koonfur Galbeed, Ilyaas Cali Nuur ayaa caawa shaaciyay inuu iska casilay xilkiisii, sababa xidhiidha shaqaaqadii ka dhacday magaalada Baydhabo ee xarunta maamul-goboleedka koonfur-galbeed.Wasiir Ilyaas Nuur oo ku sugan magaalada Baydhabo, ayaa sheegay innuu qeyb ka sii ahaan karin maamul dadkiisa lagu dhibaateeyay.
Wuxuu ku eedeeyay madaxweynaha Koonfur in uusan ixtiraamin waan waan nabadeed oo isaga iyo odayaal kale ay ku doonayeen inaan la weerarin dhallinyaro hubaysan oo ku sugnaa guri kuyaalla magaalada Baydhabo.
“Waxaan halkaan ka caddeynaayaa dhibaatadii shalay dhacday Baydhabo, masuuliyaddeedii waxaa iska leh dowladda Koonfur Galbeed. Wax la xallin karo oo lala xaajoon karo oo annaga aan qaban karnay ahayd. Annaga nalama sugin, nalama ixtiraamin. Kursiga inaan joogo wax ay faa’idaynayso maleh, “ ayuu yiri Ilyaas Nuur.
Ilyaas wuxuu ugu baaqay ciidamada Itoobiya ee ku sugan Koonfur Galbeed inay taageeraan in doorasho la qabto, oo ay dadku doortaan ciddii ay doonayaan. Wuxuu sidoo kale ugu baaqay dowladda federalka Soomaaliya inaysan sahlan arrimaha ka taagan Koonfur Galbeed.

Iimeelada E-mail:  Xafiiska baraarugnews@gmail.com or caarshe7@hotmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here