“Komishanka Doorashooyinku, Waa Innay Ilaaliyaan Xaqii Ay Ku Dhaarteen (Kitaabkii Quranka).Anagu Xisbi Ahaan Waxaanu Qaadaynaa Jidka…”

0
224

Hargeysa,(Baraarugnews.net)-Guddoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee Waddani Xirsi Cali Xaaji Xassan, ayaa baaq u diray guud ahaan shacabka reer Somaliland ee gudaha dalka kud haqan.
Guddoomiye Xirsi oo goor-dhawayd la hadlay warbaahinta maxaliga ah ee gudaha Somaliland.”Dadka reer Somaliland waxa aannu ugu baaqaynnaa in ay isdiiwaangeliyaan, oo ay ka qayb qaataan diiwaangelinta codbixiyayaasha JSL oo 28ka bishan si rasmi ah u bilaabmaysa, si ay fursad ugu helaan inay codkooda dhiibtaan, xaqooda dastuuriga ahna uga faa’idaystaan.
Hawlwadeennada iyo guud ahaan KDQ waxa aan u soo jeedinayaa in ay xilkaa ay qaadeen sida ugu habboon u gutaan, masuuliyadna iska saaraan, xaqa muwaadinka ka saaran iyo Ilaahay ka saaranna ay dhowraan.”
Halkan hoose muuqaalka Ka daawo Guddoomiye Xirsi
E-mail: Xafiiska baraarugnews@gmail.com or caarshe7@hotmail.comVideo link

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here