Yaa Afduubka Ku Haystay Askarta Dawladda Jabuuti Ee Ku Xidhnayd Dalka Itoobiya?

0
350
Yaa Afduubka Ku Haystay Askarta Dawladda Jabuuti Ee Ku Xidhnayd Dalka Itoobiya?
Yaa Afduubka Ku Haystay Askarta Dawladda Jabuuti Ee Ku Xidhnayd Dalka Itoobiya?

Yaa Afduubka Ku Haystay Askarta Dawladda Jabuuti Ee Ku Xidhnayd Dalka Itoobiya? Hargeysa,(Baraarugnews.net)-Raysal,wasaaraha dalka Itoobiya, ayaa ooda ka qaaday Askar ka tirsan ciidanka Dalka Jabuuti oo ay afduub u haysteen jabhadda FRUD oo kooxo hubaysan oo dagaal kula jiray dawladda raysal-wasaare Abiy Axmed ee Dalka Itoobiya.
Wasaaradda arrimaha dibadda ee Itoobiya ayaa sheegtay inay siidaayeen lix ka tirsan Ciidamada dalka Jabuuti oo ay haysteen garabka hubaysan ee FRUD, sida ay baahisay Warbaahinta dalka Itoobiya.
Askartan ayay kooxdani ku qabsadeen weerar ay Jabhadda FRUD bishii October ee sannadkan ay ku qaaday xero ay lahaayeen ciidanka Jabuuti, halkaas oo lagu dilay 7 kamid ah Askarta Jabuuti tiro kalena lagu dhaawacay.
FRUD ayaa la’aasaasay sannadkii 1991kii wakhtigaa oo ay billaabeen kacsoon ka dhan ah dowladda Jabuuti, intaa kaddib FRUD ayaa labo garab noqday garab kamid noqday xukuumadda Jabuuti iyo garab kale oo hubaysan oo ku mucaarad ah dowladda Jabuuti, iyadoo dowladduna ay 12kii October garabkan hubaysan ee FRUD u aqoonsatay Argagaxiso.
Itoobiya ayaa sheegtay in Askartan Jabuutiyaanka ah ee laga siidaayay Jabhaddan hubaysan ee FRUD ay ku laabteen dalka Jabuuti.
kala soo xidhiidh Xafiiska E-mail: Xafiiska baraarugnews@gmail.com or caarshe7@hotmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here