“Qaraxyada Ka Dhaca Magaalada Muqdisho Baabuurta Ciidamadda Ayaa Lagu Soo Galiyaa, SaraakiilAyaa Koontaroolada ka Soo Fasaxa Oo Askarta…”

0
213
“Qaraxyada Ka Dhaca Magaalada Muqdisho Baabuurta Ciidamadda Ayaa Lagu Soo Galiyaa, SaraakiilAyaa Koontaroolada ka Soo Fasaxa Oo Askarta…”
“Qaraxyada Ka Dhaca Magaalada Muqdisho Baabuurta Ciidamadda Ayaa Lagu Soo Galiyaa, SaraakiilAyaa Koontaroolada ka Soo Fasaxa Oo Askarta…”

Muqdisho,(Baraarugnews.net)- Madaxweynaha dowladda Fedaraalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo ka hadlay qaraxyada ka dhaca gudaha magaalada Muqdisho iyo sida ay ku soo gashaan kooxda Al-shabaab gawaadhida qaraxyada ah ayaa sheegay in saraakiil ka tirsan ciidanka dowladda Soomaaliya ay kala shaqeeyaan Al-shabaab.Isla markaana Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa si cad u sheegay in gawaadhida qaraxyada ka buuxaan ee Al-shabaab ku dhibaateeyaan shacabka ku dhaqan magaalada Muqdisho iney baraha Koontaroolada uga soo gudbiyaan saraakiil ka tirsan ciidanka dowladda Soomaaliya.
“Fulay xantiisa ma mooga qaraxyada magaalada Muqdisho ka dhaca Baabuurta ciidamada ayaa lagu soo galiyaa, Saraakiil ayaa koontaroolada ka soo fasaxa oo Askarta amar siiya” ayuu yiri Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.
Madaxweynaha Soomaaliya sidoo kale sheegay in haatan ay baaritaano ku socdaan saraakiil ka tirsan ciidanka oo gawaari ay amreen in laga soo daayo koontaroolada ciidanka ku qarxay gudaha magaalada Muqdisho, kuwaas oo akoonadooda Bangiyada lagu arkay lacago farabadan oo loo maleynaayo iney ku qaateen gawaarida qaraxyada ah ay kasoo gudbiyeen koontaroolada ciidanka.
Hadalkaan kasoo yeedhay madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kusoo beegmaya, iyadoo weerarkii ugu danbeeyay ay Al-shabaab ka geysteen magaalada Muqdisho lagu qaaday hotelka Villa Rays oo ku yaala agagaarka xarunta Madaxtooyada Soomaaliya, waxaana weerarkaas loo xiray saraakiil ciidan oo lagu tuhmay iney qeyb ka ahayeen weerarkaas, kuwaasi oo ay ku socdaan baaritaano.

kala soo xidhiidh Xafiiska E-mail:  Xafiiska baraarugnews@gmail.com or caarshe7@hotmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here