Wararkii Ugu dambeeyay Ee Qaraxii Ka Dhacay Magaalada Baledweyne &Tiradda Masuuliyiinta Iyo Xildhibaanada Ku Geeryooday Weerar Ay Ku Qaadeen Kooxda Al-shabaab

0
272

Muqdisho,(Baraarugnews.net)-Magaaladda Beledweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan, ayaa wax aka taagan xaalad murugsan oo ka dhalatay qaraxyadii xooganaa ee xalay gilgilay magaalada Baledweyne.Isla markaana qaraxa ka dhacay Baledweyne ayaa noqonaaya kii ugu khasaaraha badnaa ee ay qaado kooxda Al-shabaab.
Khasaaraha ka dhashay weeraradaas ayaa saacadihii ugu dambeeyay waxa isa-soo taraaya koroka tiradda dhimasho, sida uu xaqiijiyay maamul-goboleedka soomaaliya ee Hir-Shabeelle,Isla markaana cadadka tiradda ku geeriyooday qaraxii ka dhacay Magaalada Baledweyne 48 ruux, halka ay ku dhaawacmeen 108 ruux oo kale.
Taliyaha qaybta booliska maamul-goboleedka Hirshabeele Isaaq Cabdi Cabdulle oo warbaahinta Hirshabeele la hadlay, ayaa sheegay in ay sii kordheen khasaaraha ka dhashay weerarkii qaraxa.Balse wuxuu cadeeyay inta illaa hadda og-yihiin in qaraxyadaas ay ku geeriyoodeen oo masuuliyiin ay kala yihiin; Xildhibaan Aamina Maxamed Cabdi iyo Xildhibaan hore Dhuxul.
Wuxuu intaa ku daray in toban masuul oo ka tirsan dawladda faderaalka Soomaaliya iyo maamulka Hirshabeele, Askar iyo dad shacab ah ay ku dhinteen qaraxa,isagoo sheegay in wakhti xaadiran ay xaqiijin-karin tiradda saxda ah eek u dhimatey qaraxii shalay ka dhacay magaalada Baledweyne.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here