Wasiirka Wasaaradda Biyaha Cali Mareexaan Oo Qaab Suuq-madow Xilalkii Kaga Qaaday Agaasima Waxeedyo Tirro Badan Iyo Masuuliyiin Wakaaladaha Biyaha Burco &Magacaabay Rag (Inamo),Beeshiisa Ah

0
311
Wasiirka Wasaaradda Biyaha Cali Mareexaan Oo Qaab Suuq-madow Xilalkii Kaga Qaaday Agaasima Waxeedyo Tirro Badan Iyo Masuuliyiin Wakaaladaha Biyaha Burco &Una Magacaabay Rag (Inamo),Beeshiisa Ah
Wasiirka Wasaaradda Biyaha Cali Mareexaan Oo Qaab Suuq-madow Xilalkii Kaga Qaaday Agaasima Waxeedyo Tirro Badan Iyo Masuuliyiin Wakaaladaha Biyaha Burco &Una Magacaabay Rag (Inamo),Beeshiisa Ah

Hargeysa,(Baraarugnews.net)-Siyaasiga Gobolada bariga Somaliland Jamaal Cabdiraxmaan Food, ayaa ka hadlay talaabooyin tacadi uu shaqaalaha Wasaaradda Biyaha kula kacay Cali Mareexaan.“Wasiirka Biyaha Cali Mareexaan,haddii roobkii da’ay ilahay masaakiintii abaarta iyo sixir bararku ku wada habsaday. Alxamdulilaah.Waa in lacagta abaarta ee Guddida loo dhiibay lagu badelaa wax qabad dhanka beeraha ama dhaamam ceelal biyood.Cali Mareexaan markii uu ahaa Wasiirka Hawlaha Guud ee Xilligii dawladdii Axmed Siilaanyo wuxuu iibiyey Gurrigii badhasaabka Magaalada Boorama.Laynkii Bilayska ee Magaalada Burco isna ka iibiyey ganacsatadii bacad-layaasha Burco iyo ganacsatoo kale oo Gobolka Togdheer.Gurihii Isidii Burco ee la dhigi jiray raashinka kaydka xiligii Dawladdii Axmed Siyaad Bare.Wadada isku xidha Gobolada Togdheer iyo Sanaag lacagtii qalabka loogu talo galay dhismaha jidkaas waa ninkii Cunay Cali mareexaan ee kaanbaynka doorashadii Muuse Biixi ku bixi laaluush ahaan la siinayey dadka la doonayey in Xisbiga mucaaridka ah ee Waddani lagaga soo saaro wakhtigaas.wuxuu ahaa Wasiirkii hawlaha guud ee xukuumaddii Axmed Siilaanyo ugu Musuq-maasuqa badnaa ayuu ahaa.”Ayuu yidhi qoraal uu ku baahiyey barta uu ku leeyahay Facebuuga baraha bulshadu ku wada xidhiidho Siyaasiga Gobolada bariga Somaliland Jamaal Cabdiraxmaan Food oo ka soo xigatay shabakada caalamiga ah ee Baraarugnews.net
Siyaasiga Gobolada bariga Somaliland Jamaal Cabdiraxmaan Food wuxuu intaa ku daray oo uu yidhi.“Madaxweyne Muuse Biixi sababta uu u magacaabay Cali Mareexaan waxa weeya arrimo kaabaynka doorashada dambe ee Madaxtooyada in mar labaad la adeegsado siddii hore oo kale ayaa Cali Mareexaan loogu magacaabay wasiirka Wasaaradda biyaha xukuumadda Muuse Biixi. Intii yarayd ee uu joogay Wasaaradda Biyaha Cali mareexaan wuxuu qoray koton qof oo shaqaale ah,kuwaas oo dhamaan ka soo wada jeeda qoyskiisa hoose. Agaasimo waaxeedyo cusub ee qaabka qaraaba kiilka ugu magacaabay Wasiir Cali Mareexaana, kuwaasoo kala ah. Agaasimaha waaxda Ceelasha iyo biyaha,Agaasimaha waaxda maamulka iyo lacagta, Agaasimaha waaxda qorshaynta. Mareeyaha Wakaalada Biyaha Magaalada Burco Sakariye Dhulube iyo Isku-duwaha biyaha Rashiid Logos oo dhamaan waxay ka soo wada jeedaan Beeshiisa Wasiir Cali Mareexaan. Halka uu xilalkan ka qaaday dad ka soo kala jeeday beelaha kale ee reer Somaliland.Ujeeddada ka dambaysa ee xil ka qaadis Wasiir cali Mareexaan ku sameeyay Agaasima waxeedyada Wasaaarada Biyaha wuxuu doonayaa inuu ku qarsado musuq-maasuq.Madaxweyne ku-xigeenka Saylici iyo Guddida abaaraha ee qaabilsanaa waxay ahaayeen galbeedka, markaa dhamaan wuxuu geeyay deegaankii ay degi jirtay beeshiisa oo kaliya.wuxuu baxsiga ku guray inamo wariyeyaal ah iyo dhalinyaro magaalada Burco.Wasiir Cali wuxuu sabeeyay oo lacag sharci daro mushahar-nimo uga qoray, kuwaasoo dad baraha bulshadu ku wada xidhiidho ee Facebuuga ka caaya ayaa waxa sameeyay oo aas-aasay abaabulka kooxo dhalinyaro oo qaab maafiyaha u samaysan Cali Mareexaan.wuxuu magacaabay dhalinyaro beeshiisa ah oo lata-liyaal miidhan uu ka wada dhigtay oo Wasaarada ku qoray.wuxuu faraha kula jiraa Wasaarado kale oo uu doonayo innuu rag ka eryo,markaa waa innuu Cali Mareexaan faraha kala baxaa Wasaaraddaha kale ee Wasiiraddu masuulka ka yihiin.”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here