Wa’Ayo Bulshada Sahan Danbe

0
270

Wa’Ayo Bulshada Sahan Danbe
Bulshada Sahan-danbe waa dhaqdhaqaaq siyaasadeed oo ka kooban labeentii
iyo haldoorkii Awdal oo isugu jira aqooynahano, taariikhyahano, suxufiyiin,
macalimiin, hal-abuuro ganacsi, madax dawladeed, diblomaasiyiin, qoraayo—
dhammaan dhinacyada siyaasadda. oo danaynaya xaalada qarankeena iyo
gobolka.
Waxaan sahan u ahayn aragtida dadka Awdal, Meel marinteeda ayaan baadi
goob u nahay. Waxaan u taagananahay Qiyamka dadka Awdal, Rabitaankooga
iyo Sharaftoodo. Waxaan ag taaganahay dareenka dhalinyarada gobolka Awdal
ee kuwajahawan arimaha dawlad qaybsiga iyo meelmarinta hanaan dawladeed
oo suuban.
Dhalinteena dareenkooga iyo caqligooga in la caayo maaha. Waxkasta oo ay
tabanayaan oo ay dareensanyihiin waa xaqiiqda jirta. Kaliya kama jawaabayno
ee waa wax baadhis dhaba oo lagu kalsoonaan karo oo aanu ku samaynay,
badi cabbirada aan haysanaa waa kuwo ballaaran oo ku filan waxa ay tahay
xaqiiqdu, waanan fulinaynaa rabitaankooga siyaasadeed.
Aragtida Dhalintayadu noqon mayso gaadhi sifiican loo shidaaleeyay oo loogu
talagalay taageerada hamiga gaarka ah ee Madaxwayne Muuse Biixi iyo
beeshiisa. Rabitaankooga iyo aragtidoodu dhalinta waa arin xaq ah, hada
ayaanay talo gacanta ku jirtaa hadaan xiligeega laga wada hadal. Aqoontu
weligeedba waxay maamuli isbedel nabdoon hadii wadada loo marayaa noqoto
nidaam isqancin iyo wada hadal toos ah. waanan hubnaa dhalinyara gobolka
Awdal waxay ku hubaysaniyihiin awooda aqoontu bixiso. Wax kasta ayaan
maanta la agtaaganahay, hiil iyo hooba. Waxaan Ixtiraam badan uqabnaa
cuqaashayada dhaqanka, culimadayada, madaxdayada kuraasta siyaasadeed
ku fadhiya, iyo aqoonyahanka. Sharaf iyo maamuus badan ayaan idiin haynaa,
idinka ayaanan qayb idinka mid ah nahay, ee hadii aan la furin fadhi aayo
katashi xaaladuhu sidan masii ahaan doonaan. Waanan hubnaa in dhalinta
aragtidoodu ay meelmar noqon doonto. Waan ognahay waa geesiyaal dhiiran
oo ku labisan sharafta gobolka oo ogol in la hogaamiyo.
Ma maanta ayaynu beeninaa doodihii farshaxanka ahaa, tashigii iyo tabliiqii
siyaasadeed ee xadaarada iyo ilbaxnimada ku sharaxnaa ee dhagaha laga
dabooshay ee Allaha u Naxariistee Cali Khaliif Galaydh, iyo Prof Axmed Ismaciil
Samatar oo aad maanta hamigiisii ahaa hanaan dawladnimo dimuqraadi ah oo si
siman oo qurux badan loo wadaago loona maamumulo maanta galiseen quus
siyaasadeed oo jamhuuriyada ah.
Marka ay tabasho timaad oo lawada hadlayo, wali talo ayaa gacanta ku jirta.
Soomaali waxay hore ugu maahmaahday “Sheegsheeg shaahid baa karoon,
Maanta waa indho ku garasho”
Maantana waxaa naga go’an inaan qarankan u ilaalino jiilka soo socda – si ay
iyaguna u raacaan riyada Somaliland isbedelka cusub. Waxaan ku difaacaynaa
mabaadi’da ay saldhiga u tahay jawi isbedel siyaasadeed. Anaga oo dhawrayna
Aragtidii lagu aasaasay dalkan, anagoo ilaalianayna wada noolaanshaha dadka
Somaliland iyo dhamaanba dadka afka Soomaaliga ku hadla meelkasta oo ay
joogaan.
Marka dawladuhu ka cabsoodaan dadkooga, waxaa muuqata in ay jirto xorriyad.
Dadku markay dawladnimada ka baqaan oo ku adeecaan wax kasta oo qaldan
waxaa ka dhasha xukun-maquunin oo waxaa jirta cabsi shacab. Kuma tilmaami
karno aragtida dhalinyarada Awdal ka midaysanyihiin dhamaantood mid qaldan.
Waa Mustaqbalkooga dhabtaa waxa ka guuxaya. Waxaan diirada saareynaa
inaan sameyno dadaalka ugu wanaagsan ee bulshadeena, & Dalkeena.
Xubnahayagu waxay bixiyaan dardarta naga caawisa inay saamayn ku
yeeshaan isbeddelka dhabta ah. Waxaan ka fognahay fikradaha caatada ah ee
hoose ee jufo jofo loogu kala qaybiyo dadkayaga si danahooga looga faaiidaysto.
Wadajirka, Istaageerida iyo iskaashiguba waa nolosha nololi nolol ku noqoto –
Shareecadeena Islaamkuna si wayn bay inoo fartay in lala jiro wadajirka oo lagu
dhaqmo. “Hadaan midigta bidixdu tiirinay, Tahar magoyseen”.
Aragtida Guud ee Gooni Isutaaga Somalilad
Dunida intii lagu jiray dagaalkii qaboobaa, goosashadu waxay ahayd mid
xaaraan ku ah nidaamka caalamiga ah ee dawlad-goboleedka ah. Si kastaba ha
ahaatee, kala jabkii Midowga Soofiyeeti, Yugoslavia iyo Czechoslovakia, madaxbannaanida Ereteriya, East Timor, iyo Kosovo sidoo kale waxay u muuqdeen
kuwo wiiqaya mabda’a xuduudaha dawladeed ee lama taabtaanka ah. Marka
laga eego hal dhinac, dhacdooyinkani waxay saameyn fog ku yeelan karaan
Afrika halkaas oo xuduudaha guud ahaan loo tixgeliyo inay ka badan yihiin kuwa
qaaradaha kale. Mana jirto meel kale oo Afrika ka mid ah oo uga dhow gooni-isutaagga South Sudan shalay iyo Maanta Somaliland ee ka goosashada
Soomaaliya – waa dhul xuduuddiisu ku salaysanihiin maxmiyaddii hore ee
Ingiriiska ee Somaliland. 1991kii, waxaynu ku dhawaaqnay inaynu ka madax
bannaan nahay dawladdii burburtay ee qalalaasaha ahayd, waxaynu qabsanay
shirar beeleedyo kala dandabeeyay. Haddaba, maamul magaca ‘Somaliland’
haysta ayaa sodomeyeehii sannadood ee u dambeeyay hayay haykal dawladeed
qaabka uu doonaba ha lahaadee, deegaan ammaan ah oo dadku qaateen ayaa
u ahaa saldhig. Tani waxay si aad ah uga duwan tahay dawlad la’aanta iyo
nidaam la’aan, waana sababta ay u qaateen beelo badan oo Somaliland degan
kuna heshiiyay nidaamkan. Si kastaba ha ahaatee, Somaliland waxay ku guuldarraysatay inay hesho aqoonsi caalami ah oo loo aqoonsado dal gaar ah,
hadana dadka Somaliland degan way ku, qanacsanaayeen iyogoo eegaya
deegaanka nabada ah iyo wada noolaanshaha.
Iyada oo ay sidaa tahay Qodobka ugu muhiimsan ee mudan in la xuso waa
Dastuurka oo u muuqda ‘dimuqraadiyadda xorta ah (liberal democratic
constitution), laakiin loogu kala qaybsanyahay habka qaybsiga dawladnimo.
Waxaana hubaala in aanay Dawladnimo, Somaliland weligeed ku guulaysan
doonin ictiraaf haddii aanay wax ka beddelin daciifnimadeeda gudaha ee habka
maamulka dawladnimo iyo qaybsiga beelaha. Si looga gudbo qaabkaas
daciifnimada ah, ka go’naanta siyaasadeed, hoggaan ka go’an, dib u habeyn
lagu sameeyo hay’adaha dowliga ah si ay uga muuqdaan qaab loo dhan yahay,
oo waxtar dhab ah oo siman leh, iyo qodobo kale ayaa muhiim ah. Marka laga
reebo kuwan, waxay ku sii jiri doontaa iska hor imaadyada siyaasadeed ee ka
imanaya beelaha ku bahoobay qaybsiga dawladnimada Somaliland oo ay Awdal
iyo Sool kamid tahay maantana taagan. Arrintaas, waxa loo baahanaa in la
hawlgeliyo dad aragti fog leh oo ku qalabaysan aqoon iyo xirfad siloo abuuro
xaalad ka wanaagsan iyo mustaqbal ifaya oo ka wanaagsan sida ay maanta wax
yihiin. Beesha dhexe oo ay Somaliland ugu astaysantahay inay mulkiyadeeda
leedahayna uma baraarugsana umana soo jeedo.

Dhismihii iyo Jiritaankii Somaliland
Somaliland waa dawlad hormood u ahayd qaadashada iyo ku dhaqanka nabad
iyo wada noolaansho. Hirgalinta hanaanka dimuquraadiya, Doorashooyin xor
ah oo xalaal ah, maamul gaar ah, dawlado dastuuri ah oo isbedbedelay iyo
saxaafadda xorta ah waa mid u gaar ah Somaliland. Waxaas oo dhami maahayn
wax Somaliland loo yeedhiyay ama dibadda looga soo dhoofiyay, ee dadka
ayaa gacantooda ku samaystay Allana waa ku taageeray, mana jirto taageero
dibadeed oo Somaliland ka caawisay inay halkan timaad, sifo ay nabadu u tahay
saldhig oo dadkani doortay ayay halkan ku timid.
Intii Kadanbaysay 1991ki markii ay heshiiyeen beelaha Somaliland daga, waxaa
soo ifbaxay rajooyin cusub iyo riyooyin oo rumoobay iyadoo dadku ay sugayeen
maalin ay ka xoroobi doonaan dulmigii, tacadiyadii rajiimkii Siyaad Barre iyo fal
kasta oo sharci darro ah oo dawladnimadii Soomaaliyeed ay kaga cabanayeen.
Waxaa markiiba la xalliyey dagaal beeleedyo, hase yeeshee laga soo bilaabo
wakhtigaa ilaa hadda waxa si xawli ah u socday hanaanka dhinaca nabadda,
dib-u-dhiska iyo dimuqraadiyaynta kuwaas oo ina tusin kara horumarka iyo
baaxadda jawiga nabadeed ee Somaliland, dadkuna weli waxay qiimaynayeen
horumarka. nabadda, xasilloonidii iyo dib u dhiskii kaabayaasha bulshada oo ah
mudnaanta koowaad.
Somaliland waxa ay tusaale xiiso leh ka bixinaysay sida loo abuuri karo nabad
iyo xasilooni waarta iyada oo loo marayo wada shaqaynta shacabka,
siyaasiyiinta iyo odayada dhaqanka oo hoos ilaa kor loo wadayo nabadaynta.
Ugu horrayn, shaqaaqooyinkii ka dhashay dagaalladii sokeeye ee dhex maray
beeluhu waxaa lagu xalliyay shirar nabadeed iyo dib-u-heshiisiineed oo ay
hormuud ka ahaayeen cuqaasha beelaha Somaliland. Inkasta oo dadka reer
Somaliland ay ka soo jeedaan qabiilo waawayn oo kala duwan, haddana
dhaqdhaqaaqyada qabiiladu waa kala duwan yihiin mayse keenin kala
qaybsanaan.
Burburkii iyo khasaarihii macno darada ahaa ee nafeed ee ka dhashay
dagaaladii sokeeye ayaa ah kuwa xasuus ku leh inta badan shacabka
Somaliland. Qofna ma rabo inuu dib u soo nooleey oo wakhtiyadii mugdiga ahaa,
taa beddelkeedana waxay heleen nabad iyo dimoqraadiyad, dadka reer
Somaliland waxay doorteen inay tan dambe sii ahaato hannaankooda
mustaqbalka, wixii tabashooyin ahaana wada hadal lagu dhameeyo.
Cashar muhiim ah ayaa laga baran karaa waayaha Somaliland ee ka hortagga
xagjirnimada iyo argagaxisada, horumarinta haykalka dawladnimo ee ka
sarreeya kala qaybsanaanta qabiilka, iyo in la kobciyo jawi aan doodaha
siyaasadeed ka dhalan colaad. Markay doorteen nabadda iyo xasilloonida,
dadka reer Somaliland waxay awood u yeesheen inay dhiirigeliyaan horumarinta
ganacsiga gaarka loo leeyahay iyagoo adeegsanaya hal-abuurnimo iyo
furfurnaansho.

Ifafaalaha Maanta iyo Nabada
Taariikhda bini’aadmigu waa mid firfircoon oo isbedbedesha iyada oo intaas ay is
hareer socdaan colaado iyo cadaw kala duwan, nabad iyo horumaro. Sidaynu
wada ogsoonahay nabada iyo colaadu waa sida qof labadiisa gacmood. Dhinac,
dagaal, iska hor imaadyo iyo colaado iyo dhinaca kale oo nabad-dhisidda,
dhexdhexaadinta iyo xallinta colaadaha labaduba way jireen oo si siman isu
garab socdeen ilaa maanta iyadoo hadana is-dhexgalka bani-aadmigu
horumaray. Inkasta oo ay jiraan aqoonyahanno iyo hawl-wadeenno kala duwan
oo siyaabo kala duwan uga qaybqaatay fikradaha nabadda, nabadaynta iyo
colaadaha, laakiin waxay isku raaceen in ay jiraan mawduucyo kala duwan oo
xiriir toos ah la leh nabad-dhisidda iyo sii jiritaankeeda. Nabadda, cadaaladda iyo
colaadda ayaa saldhig u ah jiritaanka nabad-dhisidda meel kasta oo adduunka
ka mid ah wakhti kasta. Sidaa darteed, in la helo faham buuxa oo ku saabsan
nabad-dhisidda waxay lagama maarmaan u tahay daah-furka arrimaha ku
xeeran sida Nabadda loo dhiso, Caddaaladda iyo Xakamaynta Rabshadaha.
Dhamaan wadamada mandaqadan geeska ee uu Somaliland ka dhexeeyo
xidhiidh amni, dhaqan-dhaqaale , juquraafi iyo dalalka shisheeye ee kale iyo
beesha caalamkuba marka laga yimaado inay siiyaan ictiraaf buuxa waxay
Somaliland ka badbaaday inay faragalin taban ku sameeyaan. Ixtiraamkaas
kuma iman dano siyaasadeed oo gaar ah ee waxa saldhig u ahaa nabada iyo
dib-udhiska ee katimid aragtida shacabka oo lala dhacsanaa.
Iyada oo ay sidaa tahay marxaladdan aynu ku jirno ee aan la saadaalin karin,
weligeedna isbedbedelaysa dhaqdhaqaaqyada siyaasada juqraafiyeed ee
caalamiga, Geeska Afrika iyo kuwa kaleba, waxa ay Somaliland u baahnayd in
ay yeelato siyaasad arrimaha dibadda iyo diblomaasiyadda caalamiga ah oo lagu
kalsoonaan karo, dabacsanaan leh, aragti fog leh oo firfircoon laakiin waxay u
muuqataa in maamulka maanta joogaa is macaash siisay.
Joogtada maanta waxkastaa dhinaca kale ayuu isku rogay. Waxaa soo Ifbaxay
oo muuqda fashilka amni, dhaqan-dhaqaale, siyaasadeed, diblamaasiyadeed,
maamul ee Somaliland, Waxaa rajadii kasoo madoobaanaysaa wixii dadkan ka
dhexeeyay oo ay hantida u lahaayeen ee kaliya oo ahayd Somaliland mid ah oo
nabdoon. Cabsida ugu badan ayaa ah in colaado gobol oo isir iyo qabiil ku
salaysan ay hada bilaw yihiin.
Dariiqii dheeraa ee Jamhuuriyadu soo martay Sodomeeyahaa sano, maanta
waxaa muuqda cabdisa ah rabshado, iskahorimaadyo qabiil gudaha ah, iyo
xasillooni darro siyaasadeed, iyo kala qaybsanaan bulsheed oo weyn. Xagal 360
digrii ah ayay wax kastaas dhinaca kale isku rogeen, waana talo xumo ku timid
xukuumada Madaxwayne Muuse ee bilaa tanaasulka ah.
Waxa uu madaxwaynaha maanta talada hayaa waxkasta oo nabad lagu xalin
karayay ayuu qori u qaatay. Waxay dadka Laascaanood tabanayeen oo
dhaqankeegu ahaa in lagu xaliyo nabad iyo talo dhaqan ayaad awood milatari la
doorbiday. muddada dheer ee qoriga weerarku AK-47 iyo noocyada hubka
kala duwanaanshihiisa ayaa sii wada burburka macno darada ah. waxayna
saamayn taban oo fog ku yeelanayaan fashilka amni iyo dhaqaale ee
dawladnimadii qaniga ku ahayd nabadaynta. Tani waxay maamulkan
dhaxalkeega ka dhigaysaa shay muhiim u ah masiibo adduunka soo korodhay.
Sida Xaqiiqadu ay tahay dhacadooyinka maanta socda, Maamulka Madaxwayne
Muuse Biixi ayaa ku gacan saydhay siyaasadda xakamaynta colaado sokeeye,
oo hore ugu salaysnaa inta badan ilaalinta nidaamka dhaqanka wada
noolaanshaha iyo dhexdhexaadinta ee beelaha Somaliland dega oo dhinacyo
badan leh, ayaa ku soo shaac baxaysay heer aad looga naxo. Waxaanay talo ku
koobantahay oo kaliya mabda’iisa ah “iska celi, yaan lagaa guulaysanin” oo aan
lahayn tanaasul iyo furfurnaansho siyaasadeed, ama diblamaasiyadeed oo
madaxwayne yeelan lahaa.
dadka kasoo jeeda beelaha kala duwan ee Somaliland intooda badan, waxaa si
cad ugu muuqda halka ay ku dhacday rajadii mustaqbalka Somaliland.
Midnimo qaran halkii ay ka ahaan lahayd qorshayaal aan caddayn oo loogu
talagalay kala daadinta midnimada dadka Somaliland Illaahay dhigay, isaga
ayaa caddeeyey oo isaga ayay ka go’antahay in la kala daadiyo rajadii
umada,uu bud- dhigo colaado qabiil iyo isir. Iyadoo hore loo bogsiiyay boogahii
taariikhiga ahaa ee hore oo maanta maanka dadka ugu jiray uun xusuus
taariikheed kaliya. Wuxuu dajiyay dawlad si ballaadhan u metesha danta
beesiisha oo kaliya iyo kala furfurka midnimada umada, maaha mid saamayn
doonta oo kaliya inta Somaliland degen, Waase kala qayqaybintii umada afka
Soomaaliga ku hadasha oo dhan meeshii ay ka bilaabmi lahayd.
“Ma arin la isla ogyahay oo mudadeedii soo gaadhaybaa? Madaxwayne ! ”
 Waxaa maanta isbedeshay khariiradii siyaasadeed ee Jamhuuriyada oo
aan lagaranayn sida danbe ee loo naqshadayn doono.
 Waxaa barakacay mid kamida caasimadihii gobolada Somaliland ee
Laascaanood iyo gobolkiiba oo dadkiisii barkacayaal qaxooti ah ay yihiin
iyo goob colaadeed.
 Waxaa qudh go’ay boqolaal kamida dadkii aan wax wada lahayn ee
haybta magaca Somaliland naga dhaxaysay ee aan gogosha ugu
fidininay mid kamid ah shirarkii nabadaynta ee Somaliland lagu dhisay ee
Boorama oo maanta abtirsiimooyin kala duwan lagu tibaaxayaa.
 Damiir wasakhaysan ayaa bilaabmay oo inta barakacday ee magaalooyin
ka dumeen intii kalena magaalooyinkoogii loogu xafladaynayaa oo lagu
diganayo oo Music iyo sameecado waayay ku damaashaadaya. Aaway
Diintii, dadnimadii iyo damiirkii runta la isugu sheegayay? Inanka Borama
Joogaanaa dareenkiisu waa waxa bari soo socdaana waa taa mid lamid
ah. ILLAAHAY waa joogaa, xisaabteeduna waa danbaysaa, qofka ka run
sheega gunimada socotaana wuxu noqon mid jidka saxda ah ee Eebe ina
faray ku taagan, midka kalena wuxu noqon doonaa mid kuraali galiya
shaqkhsi runta ka aamuskeega dulmi ILLAAHAY diiday.
 Borama oo ahayd marka siyaasada iyo qoqobka laga yimaad Magaaladii
dadka Soomaaliyeed ubucda dhigteen, ayaa colaad qabiil oo aad hurisay
looga dareeray, waxa kaliya ee ay iibinayeena ay ahayd magaalo umada
afka Soomaaliga ku hadashaa isugu timaad oo xadaarad, aqoon,
walaalnimo iyo jacayl loogu soo hirto.
 Madaxwaynihii Aabaha dimuqraadiyada jamhuuriyada ee Daahir Rayaale
Kaahin oo ahaa maanta ah Odayga dalka dhaqan iyo dastuuriba aad
ixtiraam la’aan iyo aaminaad la’aan aad talada guracantay ee dalka talo
bixinteed is duudsiinaysaa, horena adigaa lagaaga hayay waa faqash
isagoo Madaxwayne Qaran ahaa. Dalkase taladiisa wuxuu dhiibay oo
afkiisa laga hayay “dal iyo dad mid ah” .
 Inuu wareejiyay maalintuu xilka dhiibayay.
 Ma waxaad aamini wayday oday dhaqameedkii waligood nabadayn iyo
dhexdhexaadin Somaliland udub dhexaadka ugu ahaa, oo aad marba
siyaasadaynaysaa inta dhaqan aad dirtay kolba war kasoo daba baxayaa.
Waligeed Soomaali lama arag odayo dhaqan nabadayn colaadeed oo la
siyaasadeeyo.
 Waxaan maanta dadkaagaa ku shaabadaysay inay yihiin Argagixiso
caalami ah, iyada oo la ogyahay casdawga koowaad ee Somaliyeed inay
yihiin Argagixiso, hada abid ma dhicin in qabiil si wadar ah loogu bar
tilmaameedsade ereyga argagixiso. Ma qorshahaagaa ah inaad
diyaarado u dalbato? Ma istaraatijiyad dagaal ayay kuula muuqatay?
 Waa hubaal habkii maamulkaagan oo noqday shirkad aad adigu
leedahay waxa uu ku danbayn doono cid kasta waa u muuqataa mana
qarsoona, waxaanan ognahay in beel kastaa ay taladeeda gaar isu
waydiinayso. Bani aadamka taariikh ayaa ka hadha, waxayna noqon mid
baalal madaw kuugu qoran.

Guntii iyo Gebagabadii:
Waxaan u mahad celinayaa bahda bulshada Sahan-danbe ee Awdal shirkii
waxsoosaarka lahaa ee dhacay todobaadkii hore. Taariikhda ayaa idin xusi
doonta waxaanad kusoo bixi doontaa baal dahab ah.
Waxaad markale ku mahadsantihiin hirgalinta Idaacada FM ta ah ee ka hawl gali
doonta Borama iyo Nawaaxigeeda ee ku bixi doonta afka Soomaaliga oo
rakibaadeedii maalmahan ay gabo gaboobayso oo aad si toos ah uga
dhagaysan doontaan mawjada FM-ka ee radio ga oo awoodeeda iyo
maamulkeega cid hor joogsan doontaa aanu jirin.
Inta ka baxsan Borama iyo nawaaxigeeduna, dalka iyo dibadiisuba waxay ka
dhagaysan doonaan barta internetka ee baraha bulshada ay kuleedahay
idaacadu oo aan idiinsoo sheegi doono. Waa idaacad si wanaagsan u
qalabaysan oon ugu talo galay in ay dadka reer Awdal si xor ah ay aragtidooda
iyo afkaartooda uga dhagaystaan.
Waxaa lama ilaawaan sida hagar la’aanta ah ee aad wax kasta ugu hurteen inay
idaacad hirgasho.
waxaan sharfeynaa oo aan sharfi doonaa raggaas iyo haweenkaas geesiyaasha
ah, waxaanan ku muujineynaa sida aan ugu mahadcelineyno geesinimada,
daacadnimada, iyo jacaylka waddaniga ah.
ALLAA MAHAD LEH

awdalsahandanbe@gmail.com>

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here