Waa Kuma Ninkii Jabiyey Maqsinkii Hubka iyo Rasaastii Siyaad Barre lahaa U Qaybiyey Beesha Habarjeclo?

0
380

Waa Kuma Ninkii Jabiyey Maqsinkii Hubka iyo Rasaasta Dawladdii Siyaad Barre Ee U Qaybiyey Beesha Habarjeclo Ee Magaalada Beer Ee Gobolka Togdheer? Sawiradan halkan idinka muuqda waa Cabdinaasir Cali salaad wuxuu ahaa sarkaalkii heeganka lahaa 1983-dii magaalada Beer oo ka tirsan Gobolka Togdheer ee Burco.1983kii waa ninkii jabiyey maqsinkii xarunta ciidankii Maxamed Siyaad Bare ee Beer,isla markaana beesha Habarjeclo ayuu hubkii gacanta ka saarey,wuxuuna ku yidhi qaata rasaastii iyo hubkii dawladii Siyaad Barre ee Xaruntii magaalada Beer oo bari ka xigta magaalada Burco.ka dib waa hubkii beesha habarjeclo ku dagaal gashay. Cabdiraasir Cali Salaad wuxuu qabey gabadh beesha Habarjeclo ah,Wuxuu isna ku biiray ururkii SNM 1983kii. Cabdinaasir Cali Salaad wuxuu ka soo jeeday beesha fuqi-muxumud ee beesha Direed.wuxuu dhintay aale ha u naxariistee 1991-kii. Nin saabiib aanu nahey oo SNM ahaa kana mid ahaa saraakiishii dawladii Siyaad Bare oo reer Doolow ah ayaa ii sheegay mar uu tegay 2011kii magaalada Hargeysa,inuu ku arkay inan uu dhaley Cabdinaasir Cali Salaad oo la joogay reer Abtigii Habarjeclo madaama mustaqbalkii Aabihii noloshoodii ay galaafatey SNM ee halgankii dhiiga nafaha u go,ay somaliland. Cali yare waa ninkii isaguna hayey furaha maqsinkii hubka iyo rasaasta Magaalada Beer,oo isna wuxuu raacay Cabdinaasir.Beeshiisuna waa Gaadsan. Iraad Xasan Cabdi wuxuu taliyaha saldhiga dhexe ee qaybta koonfureed Baarey Khaalid Bini,wiliid ee SNM iyo jagooyin kale ayuu SNM ka soo qabtay balse wuu dhintay.beel ahaan wuxuu ka soo jeeday Iraad Xasan Cabdi beesha Fuqi-muxumed oo ka mid ah beelaha Direed. Siciid Sheekh Cumar oo isna Fuqi-muxumed ah wuxuu ahaa madaxa siyaasada iyo sahanka SNM wuu dhintay.Sawirka sadeexdan nin waxa nool oo kaliya Cali-yare oo ku sugan magaalada Jarate oo Doolow u dhow ee dalka Itoobiya ayuu ku nool yahey aan ku arkay sawiradana aan kaga qaadey.mana jirto wax xaq iyo xusid oo maanta uu ka helay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here