Qaabkee maanta u Dhacay Shir-weynihii Ururka hogaaminayaan Haween Somaliland Ah?

0
311

Hargeysa(Baraarugnews.net)-Shirweynihii Urur Siyaasadeedka OGAAL ayaa maanta si rasmiya uga furmay Huteelka Baraar ee Magaalada Hargeisa.isla markaana waxyaabaha ay kaga duwan tahey urur siyaasadeedka lagaga dhawaaqey Somalalind waa markii ugu horaysay ee saxaada siyaasada somaliland ku soo biiraan urur ay hogaam8nayaan haween dhanka siyaasada somaliland.


Shirweynahan oo loo soo qabanqaabiyey si meeqaam sare ah, ayaa waxa ka soo qeybgalay Xildhibaano, Salaadiin, Aqoonyahan, Siyaasiyiin, Dhalinyaro, Haween, Xubno ka socday Guddida diwaangelinta Ururada Siyaadda iyo Marti sharaf tiro baddan.
Waxa halkaasi cod gacan taaga lagu doortay shirgudoonka Shirweynaha 1aad ee Urur-Siyaasadeedka OGAAL, kuwaas oo ka kooban 3 Xubnood
Xoghayihii Ku-meelgaadhka ee Urur-Siyaasadeedka OGAAL Cabdikhalaq AWAL-BARRI oo halkaasi ka hadlay ayaa u mahad-celiyey dhammaan ergooyinkii iyo marti sharaftii ka soo qeybgashay Shirweynaha Urur-Siyaasadeedka OGAAL, Waxaanu halkaas ka akhriyey u-jeeddada loo aasaasay Ururka OGAAL “Ururka OGAAL waa Urur ay aasaaseen dhalinyarada aqoonyahanka Somaliland, waa Rajadii dhalinyarada, waa salaankii ay Siyaasadda ka fulayeen ILAAHAY ha inagu guuleeyo”.ayuu yidhi Cabdikhalaq
Guddoomiyaha Urur-Siyaasadeedka OGAAL Marwo Rooda Cabdi Muuse oo halkaasi khudbad cajiiba ka jeedisay ayaa si weyn ugu mahad-naqay dhammaanba dadweynihii ka soo qeybgalay shirweynaha 1aad ee Urur-Siyaasadeedka OGAAL,waxaanay ku nuuxnuuxsatay himilada iyo Hiigsiga loo aasaasay Ururka OGAAL.
Marwo Rooda Cabdi Muuse waxay sharaxday waxa loo soo gaabiyey Urur-Siyaasadeedka OGAAL, waxaanay tidhi ” Ururka OGAAL waxa loo soo gaabiyey: Ururka Horumarka Dhaqaalaha iyo Adkeynta Qaranimada Somaliland.”
Waxa kale oo halkaasi ka hadlay Mujaahid Ibraahim Dhagaweyne Siciid Cilmi Rooble, Xildhibaan Cabdqaadir Mohomed Xassan (Indho-Indho), Sucaad Carmiye Odowaa, Ramaax Cali Hayste iyo masuuliyiin kale kuwaas oo dhamaantood bogaadiyey Ururka OGAAL oo ay ku tilmaameen inuu yahay Ururka kaliya ee ay gabadhi hoggaamiso, isla markaana ugu baaqay haween weynaha reer Somaliland inay is garab taagaan Ururka OGAAL, waxaanay ku sifeeyeen inuu OGAAL yahay dimuqraadiyadii dhabba
Baraarugnews.net Cabdifataax Ismaaciil Caarshe

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here