U-jeeddada:-Muxuu Yahay Shirka Isugu Yimaadeen Madaxweyne Xasan Sheekh, Golaha Wasiiraddiisa Iyo Madaxda Maamul-goboleedyada Soomaaliya

0
263
U-jeeddada:-Muxuu Yahay Shirka Ay Isugu Yimaadeen Madaxweyne Xasan Sheekh, Golaha Wasiiraddiisa Iyo Madaxda Maamul-goboleedyada Soomaaliya

Muqdisho,(Baraarugnews.net)-Shir ay isugu yimaadeen Golaha Wasiiradda iyo madaxda maamul-goboleedyada dawladda faderaalka ah ee Soomaaliya,ayaa si rasmi ah waxa galabta magaalada muqdisho uga furmay shir wadatashiga qaran,kaasoo uu shir-gudoominayey nmadaxweyne Xasan sheikh Maxamuud.
Shirkaan ayaa waxaa isugu yeeray madaxda dowlad goboleedyada dalka madaxweynaha Soomaaliya, waxaana looga hadlaya arrimo ay ka mid yihiin xaaladda abaaraha, Amniga, siyaasadda, la dagaalanka Al-shabaab iyo sidii loo xoojinta lahaa wadashaqeynta ka dhaxeysa maamul goboleedyada iyo dowladda Federaalka Soomaaliya.

Shirka waxaa goobjoog ah Raysal Wasaaraha Xukuumadda Fedaraalka Xamse Cabdi Barre, Madaxweynayaasha Hirshabeelle, Galmudug, Koonfur Galbeed iyo Jubbaland, waxaana ka maqan oo aanan goobjoog aheyn Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni oo la sheegay inuu uga qeybgalayo shirka Aaladda fogaan arraga ee ZOOM, waxaa sidoo kale isna shirkaan aan qeyb ka aheyn guddoomiyaha gobolka Banaadir oo aanan la ogeyn sababta uusan uga qeyb galeyn, inkastoo uusan wali xilka si rasmi ah uusan ula wareegin.

Madaxtooyadda Soomaaliya ayaa sidoo kale shaacisay in shirkaan Golaha Wadatashiga Qaran uu socon doono mudo laba maalmood ah, islamarkaana madaxda ka qeyb galeysa ay dood adeg yeelan doonaan inta uu socdo shirka.

Shirkaan Galabta u furmay madaxda Golaha Wadatashiga Qaran ayaa imaanaya xili mudooyinkii dambe uu yara xumaa xiriirka wadashaqeynta ee ka dhaxeeya dowladda Fedaraalka Soomaaliya iyo dowlad goboleedyada dalka, taasi ayaana qeyb ka ah qodobada ugu adag ee madaxda ka doodi doonaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here