Waa Kuma masuulka Macluumaad Iyo Xog Sir Khatarta Ah Ka Gud-biyey Wasiirka Wasaaradda Deegaanka Iyo Reer-Miyiga Shukri Baandare Ee Gacanta Loo Galiyey Mulkiilaha Shirkadda Asli-maydi Barkhad?

0
704
Waa Kuma masuulka Macluumaad Iyo Xog Sir Khatarta Ah Ka Gud-biyey Wasiirka Deegaanka Iyo Reer-Miyiga Shukri Baandare Ee Mulkiilaha Shirkadda Asli-maydi?
Waa Kuma masuulka Macluumaad Iyo Xog Sir Khatarta Ah Ka Gud-biyey Wasiirka Deegaanka Iyo Reer-Miyiga Shukri Baandare Ee Mulkiilaha Shirkadda Asli-maydi?

Muqdisho,(Baraarugnews.net)-Waa kuma masuulka macluumaad iyo xogo sir ah oo ku saabsan Xafiiska Wasiirka Wasaaradda deegaanka iyo horumarinta reer-miyiga Somaliland Marwo. Shukri Xaaji Ismaaciil Baandare u gudbiyey Mulkiilaha shirkadda Asli-maydi ee ka ganacsada xabagta Beeyada Barkhad Jibriil Xasan?
Mulkiilaha Shirkadda Asli-maydi Barkhad Jibriil Xasan, ayaa todobaadyadii ugu dambeeyay waraysiyo kala duwan oo uu siiyey Warbaahinta maxaliga ah ee magaalada Hargeysa, ayaa ku eeddeeyay Wasiirka wasaaradda deegaanka iyo horumarinta reer-miyiga Shukri Xaaji Ismaaciil Baandare in ay dalka soo galisay dad ajahnabi cadaan ah oo khatar ku ah naftiisa oo dalalka Maraykanka iyo Ingiriiska ka yimi, ay sharaf-dil, hanjabaad kula kaceen, si-xuna ula dhaqmeen,uuna filayn in dad ajahnabi ah weerar ku soo qadayaan, isagoo ku sugan gudaha caasimadii dalkiisa Somaliland ee Hargeysa, isla markaana wuxuu todobaadkii hore mar uu warbaahinta la hadlay uu sheegay in Isaga iyo carruurtiisu ay dareemayaan cabsi oo naftiisa iyo qoyskiisa uu u baqayo xaalad amaan-daro oo soo food saartey isaga iyo qoyskiisii.
Ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay, kana ag-dhaw mulkiilaha shirkadda Asli-maydi Barkhad Jibriil Xasan, ayaa u caddeeyay Wakaalada Wararka ee Baraarugnews.net in Agaasime waxeed ka tirsan Wasaaradda ganacsiga, una qaabilsan dhanka Xabagta oo magaciisu yahay Dhuux Cabdillaahi Cabdi Abokor uu macluumaad iyo xogo sir ah oo la xidhiidha xubnaha ajahnabiga ah ee mulkiilaha shirkadda Asli-maydi uu sheegay in ay halis galiyeen naftiisa uu Dhuux Cabdillaahi la socodsiiyey ganacsadaha Barkhad Jibriil in shir-qoolka cidda u soo maleegay, una soo isticmaashay dadka ajahnabiga cadaanka ah dalka Maraykanka ka soo ka xaysay Wasiirka Wasaaradda deegaanka iyo Horumarinta Reer Miyiga Somaliland Shukri Xaaji Ismaaciil (Baandare), gacana ka helayso nin isku beel yihiin ganacsadaha Barkhad, oo lagu magacaabo Caaqil Faysal Abokor in shir-qoolka masuul ka tahay Wasiir Shukri baandare ayuu macluumaad ka siiyey Dhuux Cabdillaahi mulkiilaha shirkadda Asli-maydi.
Warku wuxuu intaa ku darayaa in Agaasime waxeedka Xabagta Wasaaradda ganacsiga xukuumadda Muuse Biixi Dhuux Cabdillaahi Abokor uu sabab u ahaa isku dhacii iyo murankii ka dhex aloos-may Wasiirka Wasaaradda deegaanka iyo horumarinta Reer-miyiga Somaliland Marwo. Shukri Xaaji Ismaaciil (Baandare), iyo mulkiilaha Ganacsade Barkhad Jibriil Xasan, isla markaana waa Ninka Ganacsadaha Asli-maydi Barkhad Jibriil ay Wariyaasha cadaanka ah Waraysiga kaga qadayeen Huteelka Maansoor ee magaalada Hargeysa, ninka hadalka dagaalka ahaa ee muuqaalka ku jiray ku odhanaaya inta uu kaladhka qabto ganacsade BarkhadJibriil waar ka., si anshax-xumo ah iyo aqoon daro ka muuqato amarka ku siiyaanaya Ganacsadaha Aslimaydi Barkhad Jibriil, iyadoo talaabada ficilkiisu muujisay sawir bahdilaad iyo ceeb ku aheyd ganacsadaha shirkadda Asli-maydi Barkhad Jibriil xasan.
Agaasime waxeedka ka socday wasaaradda ganacsiga Dhuux ayaa ficilkiisa ka soo muuqday muuqaalka kamarada wuxuu dad weynaha soomaalida fahan ahaan siinayaa innuu dagaalamayo, kana joojinayo waraysiga ganacsade Barkhad Jibriil, intuu si fool-xumoah iyo hab-dhaqanka fool-xumada ahaa luqunta kaladhka shaadhkiisa si ka baxsan masuulnimo, laakiin aad moodayso shakhsi in yar oo aqoon ahna u laheyn dhanka dawladnimada ayuu qaab qof dibjir oo kale ah ganacsade Barkhad kaladhka shaadhkiisa soo jiiday. hadal dagaal iyo cadho ka muuqdo oo qaab ciyaal aad dhashay oo kale amar la siinayo Barkhad, laakiin mulkiilaha shirkadda Aslimaydi oo wajigiisa cabsi ka muuqato, sida muuqaalka laga duubay ayuu.”waar kac,waar istaag, kac waar…”Filka uu muujinaayo sida uu u maamulay innuu ka joojiyo ganacsadaha Aslimaydi Barkhad Dhuux ayaa ahaa mid ceeb, anshax-xumo iyo sharaf dil ku aheyd sawirka uu muujinayey muuqaalka laga duubay mulkiilaha shirkadda AsLI-Maydi Barkhad Jibriil Xasan.
Dhuux Cabdillaahi waa ninka macluumaadka iyo sirta xogta Wasaaradda deegaanka iyo horumarinta reer-miyiga xafiiskeeda WasiirShukri Xaaji Ismaaciil Baandare u gudbiyey mulkiilaha shirkadda ASLI-MAYDI Barkhad Jibriil Xasan.wuxuu fart aka saaray macluumaad kasta oo ku saabsan xafiiska wasiirka Wasaaradda deegaanka Shukri Baandare.Isla markaana Dhuux hore iyo dambaysaba wuxuu ganacsaar qarsoodiya la lahaa mulkiilaha shirkadda Asli-maydi Barkhad Jibriil, isagoo si hoose ugu shaqaynayey innuu macluumaadka Wasiirka Wasaaradda deegaanka iyo horumarinta reer-miyiga Shukri Baandare iyo Wasaaradda ganacsiga ku saabsan ayuu u gudbiyaa Ganacsade Barkhad Jibriil.
mulkiilaha shirkadda Asli-maydi Barkhad Jibriil markii cadaanku waraysiga uu siinayey xubno sheegay inay yihiin wariyeyaal Maraykanka ka yimi innuu iyaga eryanayey Agaasime waxeedka ganacsigu Dhuxul Cabdillaahi ayuu ku sheegay waraysi.Balse Dhuux Cabdillaahi oo k a tirsan Wasaaradda Ganacsiga si dad-ban oo dhuumasho ah ayuu ula shaqeeyaa mulkiilaha shirkadda Asli-maydi, Isagoo dhuux u qaabilsan innuu si qarsoodiya macluumaadka iyo sirta ku saabsan ganacsiga Xabagta beenyada iyo hawl-kasta oo ka socota Wasaaradda ganacsiga iyo deegaanka Shukri Baandare ayuu la wadaagi jiray ganacsade Barkhad si uu ula socdo dhaq-dhaqaaqyada iyo waxyaabaha la xidhiidha ganacsigiisa Beeyada in wixii khatar ku ah shirkaddiisa Asli-maydi iyo ganacsigiisa ee dhanka xukuumadda Madaxweyne Muuse Biixi cabdi kaga iman-kara innuu si dhakhso ah ugu soo gudbiyo Agaasime waxeedka Dhuux cabdillaahi eek u aadan ganacsigiisa Beeyada ah, siddii sirta xukuumadda Muuse Biixi u ogaado ayuu heshiis qarsoodiya oo wada shaqayn ah ganacsade Barkhad Hore ula galay sarkaalkan ka tirsan Wasaaradda ganacsiga xukuumadda Muuse Biixi Dhuux Cabdillaahi Abokor. Ganacsadaha mulkiilaha shirkadda Asli-maydi Barkhad. “Waxay ahaayeen dadka loo adeegsado in ay soo dilaan qof aad is haysaan loo diro ee soo dilo kuwa loo adeegsado ayey ahaayeen ee la yidhaahdo Assassination Walk .(Wasiirka Wasaaradda deegaanka Shukri Baandare Maxay tahay Riboodka ay ka sugayso galada? Sida xogaha kala duwan ee aanu helnay ayaa sheegay in Dhuux, isagu macluumaadka ninmankii cadaanka ahaa ee muuqaalka ka duubay ganacsadaha Aslimaydu Barkhad uu siiyey macluumaadka ay ku soo galeen Agaasima waxeedka ganacsiga Dhuux Cabdillaahi ayaa fart aka saaray sifihii dalka ku yimaadeen ajahnabiga cadaanka Somaliland. Geesta kale, Dhuux Cabdillaahi ayaa shalayna soo abaabulay rag sheegay inay yihiin madax-dhaqmeed beesha Habarjeclo ah oo raali galin siiyay Wasiirka deegaanka iyo horumarinta reer-miyiga shukri Xaaji Ismaaciil Baandare eedihii uu u soo jeediyey Ganacsadaha leh shirkadda Asli-maydi barkhad Jibriil. xaqiiqdii raggaas waxa ka dambeeyay inay warbaahinta ka hadlaan Dhuux Cabdillaahi inay raali galin siiyaan Wasiir Shukri baandare dhuux,xitaa isaga ayaa warbaahinta siinayey lacagta warkaHase yeeshee, Dhuux ayaa ka shaqeeyay, isku dhuftay, madaxana isu-galiyey Wasiirka deegaanka shukri iyo ganacsadaha beesha habarjeclo ee Aslimaydi Barkhad, macluumaadkana siinayey ganacsadaha iyo sir walba oo ku saabsan Wasiir Shukri, isla markaana arrintan raali galinta wuxuu u sameeyay innuu ku badbaadiyo shaqadiisa oo uu u baqay markii barkhad qarxiyey shahaado sharaf gudoonsiinayo Agaasime waxeedka Dhuux oo isku beel yihiin ganacsadaha Barkhad, laakiin dhuux wuxuu sirta wasaaradaha deegaanka iyo ganacsiga u gudbiyaa mulkiilaha shirkadda ASLI-MAYDI Barkhad, waana nin lacag kaga qaata ganacsadaha Barkhad Jibriil inuu keeno sirta xafiiska Wasiir shukri, wasiirka ganacsiga, iyo waliba wax kasta oo ku saabsan Wasaaraddaha deegaanka, ganacsiga iyo xukuumadda Muuse Biixi ayuu soo gudbiya mulkiilaha shirkadda Aslimaydi Barkhad Jibriil,Balse Agaasime waaxeedka Dhuux, ayaa mar kale meel kaa dhacay caqliga Wasiirka deegaanka Shukri Baandare intuu laba xayraan oo cumaamado u soo xidhay, wax masuuliyad ah oo beesha Muuse Abokor gaar ahaan beesha uu ka soo jeedo ganacsade Barkhad Jibriil ee Biciide iyo guud ahaan-ba Beesha Habarjeclo intuu telifeeshan inaadeerkii leeyahay ee beesha Dhuux ee Salamadow soo fadhiisiyey leh anaga oo Habarjeclo ayaanu raali galin ka siinaynaa Barkhad Jibriil Wasiir Shukri, laakiin Sawirka idin muuqdaa odayaal uu jaad iyo qado u qaadey, laakiin been abuur waxba ka jirin iyo magac teetal aan jirin sheegtay ayaa Wasiir Shukri lagu indho-sarcaad loogu dhigayaa, halka uu isleeyahay kaga baxso dabka aad shiday Dhuux oo ka shaqeeyay jiribaad iyo arrin dhaqanka ku fool-xun islaanimada, Wasiir uu dabka ku shiday sharafteeda waxyeelo soo gaadho waxa masuuliyadaas abaabulkeeda lahaa oo mar walba xogta siinayey Barkhad waa Dhuux.
Agaasime waxeedka wasaaradda ganacsiga u qaabilsan Xabagta Dhuux Cabdillaahi Abokor oo nin beesha Salamadow ah ee habarjeclo ah xog kale oo khatar ah oo ku salaysan xukuumadda Muuse Biixi cabdi u gudbiyey mulkiilaha shirkadda ASLI-MAYDI Barkhad Jibriil Xasan.
Geesta Kale, Dhuux Cabdillaahi oo aanu isku daynay innaanu wax ka waydiino xogta Warka la xidhiidha arrimaha uu sheegay in Mulkiilaha shirkadda Ganacsiga ee Asli-maydi barkhad Jibriil Xasan innuu hayo macluumaadka ku saabsan qaabka lagu soo galiyey ajahnabigii muuqaalka waraysiga ah ka duubay, waxa ka jira innuu isagu xogtooda oo dhamaystiran si hoose u siiyey Barkhad Ayaa Telifoonkiisa Gacanta oo uu naga qabtay markii aanu wax isnidhi ka waydiiyey naga diiday innuu ka hadlo arrimaha la xidhiidha macluumaadka Wasaaradda deegaanka iyo ganacsiga ee xukuumadda Muuse Biixi ee uu u gacangaliyey ganacsadaha Barkhad Jibriil ayaa nagu gacansaydhay Waraysigii, nasiib daro Telifoonkii ayuu nagu dhigay, isagoo hadal cadho iyo karoox dagaal ku jiro noogu jawaabey. Xogta sirta uu u gudbiyey Dhuux ganacsadaha leh shirkadda Asli-maydi Barkhad Jibriil kala soco wakaalada wararka ee Baraarugnews.net

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here