“Waa Innaad u Sheegtaa shacabka SomalilandBaashe Cawilow Waxay Tahey MOU?

0
80

Hargeysa,(baraarugtv.com)”MISUNDERSTANDING OF MOU
Saaxiibkay Bashe Awil Omar waxaan ka codsanayaa in aniga & shacabkaba uu naga shaafiyo gudiddan MOU loo xilsaaray ee uu gudoomiyaha u yahay waxa uu ujeedkoodu yahay!

Waxaynu aragnaa gudidda oo xisbiyadda mucaaradka ah iyo ururo kaleba shirar la qaadanaya.

HORTA MAXAA LOO IGMADAY!
Haddaba, su’aasha aan jawaabta u rabaa waxaa weeye waa maxay fariinta gudiddu faran yihiin iyo natiijadda laga doonayo inay xaqiijiyaan?

1. Ma inay dadka reer Somaliland (madax iyo shacab) ku qanciyaan inay taageeraan MOU uu Muuse Biixi la soo saxeexday Abiye Ahmed baa?

2. Mise waa gudi u madax bannaan inay wada-tashi la sameeyaan inta mudan in lala sameeyo, cilmi-baadhis samayn kara oo soo bandhigi kara “pros and cons” ku jiri kara MOU haddii Somaliland dhaqan geliso?

Markay hawshoodda soo dhamaystaana Muuse Biixi ku celin kara jawaab ah “markaanu dhinac walba ka eegnay MOU inama anfaco, ama wuu ina anfacayaa”!

Mise mar walba gudiddu waa inay “wuu ina anfacayaa” ku taliyaan baa?

Muuse Biixi inuu sii wado MOU iyo in kale hawl iyaga u taala ma aha, se aan ku celiyee horta iyagu maxaa loo igmaday, ma hooya oo suuq geeya MOU daa, mise waa soo ogaada inuu ina anfacayo oo Somaliland dhaqan geliso iyo in aanu ina anfacayn?

Itoobiya badd iyo berri ha hesho weeye dooda taagani ee dhulka Itoobiya inagaga maqan inay soo celiso ma ku jirtaa meelaha aad ka duulaysaan?

Saaxiib haddaad halkaa noo kala cadeyso way wacnaan lahayd, malaha waajib gudidda saarana waad gudan lahayd.

IN YAR MAYKAL NOO NOQO
Taariikhddu waa muddan, waa jire markhaati leh!

Ilayn safkan dheeri waa shaqo Ibliise markii Ingiriisku dhul aanu lahayn Axmaaradda siiyay ayuu Xayle Silaase intuu odayaal Soomaali ah qado u qaaday “saf dheer” soo istaajiyay ku yidhi waxaad tidhaahdaan waxaanu taageersan nahay inuu Ingiriis dhulkayagga Axmaar siiyo!

Maalinkaa waxaa hadal taariikhdda galay yidhi Maykal Maariyaano uu ku difaacayo dhulkeennii Ingiriis Axmaaradda u loogay iyo kuwaa wax-ma-garatadda ah ee loo adeegsaday!

70 sano ka dib waxaynu u baahan nahay nin aynu nidhaahno ..”in Maykal noo noqo”!