“Waa In Aan Soo Xidhno Tuubooyinka Dhaqaalaha Ay Ka Helaan Dekadda Magaalada Muqdisho.Ka u….”

0
286

Hargeysa,(baraarugnews.net)-,Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud,ayaa sheegay in Kooxda Al-Shabaab ay lacago canshuuraha ah ka qaado gudaha Soomaaliya u dirta dalalka Mozambique iyo Nigeria. Madaxweyne Xasan Sheekh oo khudbad u jeedinayey ciidamo kamid ah kuwa lagu tababaro dalka Turkiga.

Waa in aan soo xirno tuubooyinka dhaqaalaha ay ka helaan ka dekadda Muqdisho u
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in lacagahaas ay kooxda Al-Shabaab ku maal-galiso kooxaha argagixisada ee ka dhisan dalalka Mozambique iyo Nigeria, si ay usii wadaan falalka arxan darada ah.
“Lacagta ay Soomaaliya ka aruuriyaan ayey dibada u diraan, ka Mozambique iyo Nigeria ka dagaalamaya taburacaadka laga aruuriyo Soomaaliya ayaa loo geeya. Faktii hore lacag waa ka imaan jirtay hada teena loo qaada oo loo geeya,” ayuu yidhi madaxweynaha soomaaliya.

Sidoo kale waxa uu sheegay inay dowladda qorshe ka leedahay sidii looga soo afjari lahaa meelaha kala duwan ee Al-Shabaab ay ka hesho lacagaha baada ah ee u bixiso Zakawaadka iyo Canshuuraha.
“Waa in aan soo xirno tuubooyinka dhaqaalaha ay ka helaan ka dekadda Muqdisho u jooga, ka baadiyaha u jooga ee Zakada u aruuriyay, ka u aruuriya taburacaadka jihaadka waa in aan gacanta ku dhigno.”ayuu yidhi madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here