“Waa Fool-xumo Weyn In Hablaha Yar-yar Sharci-daro Loo Haysto.”

0
179
  • Hargeysa,(Baraarugnews.net)-“Waxa aannu maanta Xabsiga Madheera ku booqannay dhallinyaro tiradoodu 62 gaadhayso oo magaalada Burco sharcidarro looga soo xidhay, sharcidarro loo haysto, sharcidarro na looga soo fogeeyey magaaladoodii. Si adag ayaan u cambaaraynayaa xadhigga kibirka ah ee loo geystay carruurtaa iyo dhallinyaradaa wiilasha iyo hablahaba leh, si gaar ahna waxa aannu uga xunnahay hablaha yaryar ee iyaguna weli Burco ku xidhan. Waa foolxumo weyn iyo ayaandarro in ubixii dalka la isugu daro xadhig sharcidarro ah iyo tacaddi xuquuqdoodii asaasiga ahay ka dhan ah. Dhammaan inta xaqadarrada lagu xidhay, sharcidarradana jeelasha loogu hayo, tacaddigana loo geystay ama hadda loo geysanayo, waa ayaamo kooban ee sabra, halgan ayaynnu ku jirnaa ee dhabar-adayga. Waa la isla xisaabtami doonaa, caddaaladduna way meelmari doonta.”sidaa ayuu yidhi Guddpomiyaha xisbiga Waddani Xirsi Cali Xaaji Xasan oo qoraalkan ku faafiyey barta uu ku leeyahey baraha bulshada facebuugiisa oo wakaalada Baraarugnews.net ka soo xiganay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here