Ugaaska Guud ee Dalka SOmaliland Axmed, Oo Baaq U Diray Muuse Biixi &Muxuu ka yidhi In Beesha Habarjeclo lagu wareejiyo Xisbiga Waddani?

0
513

Hargeysa,(Radio Baraarug.com)-Ugaaska Guud ee Dalka SOmaliland Axmed Saleebaan Shide (Ugaas Mahiigaan), ayaa walaac xoogan ka muujiyey xaaladaa iyo duruufaha dul-hoganaaya dhalinyarada reer Somaliland, isla markaana wuxuu ka hadlay u-jeedada ka dambaysa munaasibad ay u qabanayaan shacabka reer Somaliland. “Aniga Waxa ii gartey oo muddooyin badan iga codsanayey dhalinyarada  reer Somaliland ee gudaha iyo dibaddaba ku dhaqan innaan noqdo Ugaaska Guud ee dalka Somaliland. Muddo badan oo aan ka cudur-daranayey shacabka reer Somaliland xilka Ugaaska Guud ee Somaliland innaan ku matelo, aakhirkii aniga oo tixgalinaaya codsiyada kala duwan ee shacabka Somaliland waxaan aakhirkii aan ka aq-balay codsiga ay shacabku gaar ahaan dhalinyaradareer Somaliland inaan noqdo Ugaaska Guud ee dalka Somaliland. Anigoo ah Ugaaska Guud ee dalka Somaliland Axmed Saleebaan Shide (Ugaas mahiigaan), waxaan balan qadayaa in aan mar wal-ba aan af iyo adin-ba ka hadlo duruufaha kala duwan ee maanta la ildaran yihiin dhalinyarada Somaliland. Ayna ka mid tahay shaqo la’aanta baahsan ee dalka ka jirta. Markaa dhawaan ayaan rajeenayaa in ay dhacdo munaasibada xaflada caano ku shubka, laakiin hore ayaan u shaaciyey. Balse dhalinyarada iyo shacabka Somaliland ayaa uga codsaday innay xaflad iigu ducaynayaan inay doonayaan inay qabtaan, markaa dib ayaan ka soo jeegayaa xilliga ay dhacayso xafladu laakiin way socotaa qaban qaabadii.”Sidaa waxa yidhi Ugaaska Guud ee Somaliland Axmed Saleebaan Shide (Ugaas Mahiigaan).

Ugaas Mahiigaan oo Idaacada Radio Baraarug wax ka waydiisay, sida uu u arko madaama uu ka soo jeedo beesha Bariga Burco Guddoomiyaha xisbiga waddani lagu wareejiyo, waxaanuu yidhi, “Runtii ka hor-dhicimayo arrimaha siyaasada reerka, laakiin maanta waxaynu og nahay halka uu marayo xaalka Kulmiye iyo xukuumadda Muuse Biixi. Arrimaha siyaasada reerka oo fahfaahsan mar kale ayaan ka hadli doonaa.”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here