Tiradda Dhimasho Iyo Dhaawac Ee Kooxaha Huwanta Beelaha Daarood Iyo Maamul-goboleedyadooda Puntland, Jubaland Iyo Jigjiga Dagaalkii Ka Dhacay Laascaanood

0
265
Tiradda Dhimasho Iyo Dhaawac Ee Kooxaha Huwanta Beelaha Daarood Iyo Maamul-goboleedyada Puntland, Jubaland Iyo Jigjiga Dagaalkii Ka Dhacay Laascaanood
Tiradda Dhimasho Iyo Dhaawac Ee Kooxaha Huwanta Beelaha Daarood Iyo Maamul-goboleedyada Puntland, Jubaland Iyo Jigjiga Dagaalkii Ka Dhacay Laascaanood

Tiradda Dhabta Ah Khasaaraha Dhimasho Iyo Dhaawac Ee Shalay Lagaga Dilay Dagaalka Laascaanood Huwanta Beelaha Daarood Iyo Maamul-goboleedyaddooda Soomaaliya Puntland, Jubaland Iyo Jigjiga

Tiradda Dhabta Ah Khasaaraha Dhimasho Iyo Dhaawac Ee Shalay Lagaga Dilay Dagaalka Laascaanood Huwanta Beelaha Daarood Iyo Maamul-goboleedyaddooda Soomaaliya Puntland, Jubaland Iyo Jigjiga
Tiradda Dhabta Ah Khasaaraha Dhimasho Iyo Dhaawac Ee Shalay Lagaga Dilay Dagaalka Laascaanood Huwanta Beelaha Daarood Iyo Maamul-goboleedyaddooda Soomaaliya Puntland, Jubaland Iyo Jigjiga

Laascaanood,(Baraarugnews.net)-Waxa mar-ba marka ka sii dambaysa sii kordhaaya khasaaraha dhimasho iyo dhaawac ee dagaalkii shalay ka dhacay duleedka magaalada Laascaanood ee Gobolka Sool, kaasoo u dhaxeeyay ciidamada Somaliland iyo maleeshiyaad huwan ah oo beelaha daarood, maamulada beelaha daarood ee Puntland,Jubland, Jigjiga iyo kooxo argagixiso ah oo ka dhinac dagaalamaaya ayaa ka dhacay dhanka bariga ka xigta magaalada Laascaanood.kooxaha huwa ta midabada badan ee ka dagaalamaaya Laascaanood maxaabiista ciidanka qaranka somaliland qabteen beesha dhulbahante tirada  lahayo wa 113

Barkad 19
Ugaadh yahan 27
Ararsame 16
Waceys adan 7
Yaxye 4
Cali geri 2
Jama siyaad 9
Ugaasyo 16
Hayaag 6
Hagar3
Cigaal naleeye2
Khaalid 1
Madhibaan 1

UXAGTA RASMIGA DHIMASHA CIIDANKA WAA SIDAN HOOS KU CAD

▪︎Ali saleebaan = 《62》

2▪︎ ciise maxamude 《32》

3= cisman maxamud《22》
4▪︎ cumar maxamud 《13》
5▪︎ dhulbahante 《113》
6•biciid yahan 《7》
7▪︎leyli kase 《 6》
8 ▪︎kaskii qabe 《 4》
259 dhimasho
Saraakiisha dhimatey waa 13
Dhaawaca waa 85
Oo aaney ku jirin dhaca ay ciidanka somaliland Qaateen oo lagu sheegey in ay yihiin 28 dhawaca.Qaar Ka mid ah dadka Ku dhaqan Gudaha Laascaanood iyo xubnaha qaabilsan dhanka gargarka ee Ka hawlgala bisha cas iyo dad si gaar ah oo beel ahaan Ku hawlgala kana yimi meelo Ka baxsan gobolka sool laakiin aqoonta caafimaadka leh oo Ka shaqaynaya dawaynta kooxaha Ka dagaalamaaya laascaanood oo Ka cudurdaartey magacooda inaanu sheegno Sababo la xidhiidha saameyn ku yeedhay warkan ayaa u sheegtay warbaahinta baraarugnews in khasaaraha dagaalka laascaanood kaga dhintay kooxaha huwanta Ka dagaalamaaya Laascaanood soo gaadhay Ka badan yihiin tiradan oo qaar ka mid ah ah Ku dhinteen goobo caafimaadka la geeyay.Isla markaana masuuliyiin Ka gaabsaday in magacooda sheegno sababa la xidhiidha amnigooda oo Ka hawlgala cisbitaalada Garoowe,buuhoodle kalabaydh oo goob caafimaad Ka sameeyeen kooxaha laascaanood ayaa u xaqiijiyey wakaaladaha baraarugnews.net in dhaawac la geeyay cisbitaaladaas Ku geeryoodeen halkaas la geeyay goobaha caafimaad.

Ciidamada Somaliland, ayaa maxaabiis tiro badan oo raxan-raxan ah ku qabtay dagaalka maleeshiyaadka midabada kala duwan ku dagaalamaaya ee Isimada iyo caaqilada beelaha daarood ku soo daad gureeyeen gudaha Laascaanood,Isla markaana Ciidanka Somaliland oo guul weyn ka gaadhay dagaalkii shalay ayaa la sheegay in maamul-goboleedka soomaaliya ee Puntland uu ka dilay ciidan gadhaaya 140, halka dhaawacana la sheegay inay kor u dhaafeen saddex boqol iyo dheeraad.Iyadoo ciidan maleeshiyaadka beelaha daarood laftigooda la sheegay in khasaare laxaad leh oo jab iyo hoog ah ka soo gaadhay dagaalka shalay ay kaga dhimatey ugu yaraan tiro gaadhaysa shan boqol iyo dheeraad, halka dhaawaca yaala gudaha Laascaanood lagu qiyaasay ilaa kun qof.
Guutada 12-aad ee ciidanka Somaliland, ayaa askaxooda qaaday Ciidanka uu hogaaminayey Taliyaha maamulka Puntland Jimcaale sooc aha aka soo jeeda beesha Cumar Maxamuud ee majeerteen ee Gaalkacayo,kuwaas oo dhamaan noqday wax la dilay,wax la dhaawacay,wax la qabtay iyo wax firxad noqday.Isla markaana ciidamo huwanta ah oo siyaabo kala duwan, iyo dano qarsoon iyo ujeedooyin kala feker duwan ka leh dulaanka ay ku soo qaadeen Gobolka Soo lee magaalada Laascaanood, ayaa sheegay in tiradda weerarka ku soo qaaday ciidanka Somaliland ee ku sugnaa aaga Maraaga ay gaadhayeen tobon kun. Waxa goobtaa lagu dilay shalay taliyihii Maxamed Saleebaan Taliyihii guutada 4-aad ee Danab,dawladda Turkiga waa ciidankii ay soomaaliya u soo tababartay dawladdii Madaxweynihii hore ee Maxamed Cabdillaahi farmaajo ayaa dhamaan ka dagaalamaaya Laascaanood
Ciidanka maamulka Puntland, oo ka cararay maydkoodii ciidanka ayaa ciidamada Somaliland soo qaadeen, kuna aasay afar nin oo ka mid ah askarta maamulka Puntland magaalada Degmadda Oog
Garaad Cabdisalaan Xasan oo kamid ah gaaradada ku sugan magaalada Laascaanood oo la hadlay warbaahinta daarood ee afkooda ku hadasha maleeshiyaadka huwanta ah eek a dagaalamaysa Laascaanood, ayaa sheegay in dagaalkii shalay ay 30 qof dhankooda kaga dhinteen, halka lixdan kalena (60 dhaawac),kaga dhaawacmeen. “Waa tirakoobnay khasaaraha oo dhimashadu waa sodon qof (30 dhimasho),, dhaawacuna waa illaa lixdan qof (60 qof). inkasta oo uu kala culus yahay. In badan waa la qaaday, in kale oo hadeer iyo berri la qaadayaana way jiraan,” ayuu yidhi Garaad Cabdisalaan Xasan oo la hadlay warbaahinta afkooda ku hadasha ee beelaha Daarood.
Garaad Cabdisalaan wuxuu intaa sii raaciyey hadalkiisa oo uu yidhi. “Magaalooyinka Garoowe iyo Muqdisho iyo meeshii kale ee wax lagaga qaban karaba waa la gaynayaa dadka dhaawaca ah.”
Hase,yeeshee hadalka Garaad Cabdisalaan Xasan oo afka maleeshiyaadka midabada badan ee beelaha daarood ku hadlaayey, ayaa hadalkiisu ka fog yahay xaqiiqda khasaaraha soo gaadhay dhimasho iyo dhaawac ee ka soo gaaadhay shalay dagaalka ka dhacay agagaarka Maraaga iyo Diyaaradda ee dhanka bariga ka xiga magaaladda Laascaanood ee dhinaca Garoowe xigta.Balse Garaad Cabdisalaan ma soo hadal qaadin maxaabiista Majeerteenka u badan ee cidanka Somaliland soo bandhigeen inay ku qabteen dagaalka,taasina waxay marqaati marag-madoon ah u tahay in dadka kaga geeryooday dagaalka maleeshiyo beeleedka beelaha daarood, maamulo-goboleedyaddooda soomaaliya ayaa ka badan inta uu sheegay garaadku, kuwaas oo boqol kor u dhaafay dhimashadoodu, halka dhaawacuna tiro beel yahay.
Sawirka halkan idinka muuqda waa askartii maamul-goboleedka soomaaliya ee Puntland kaga dhimatey dagaalkii shalay ee aga-gaarka Maraaga iyo diyaaradda ee bariga Laascaanood oo qaybo ka mid ah sawiradooda soo halnay.
All reactions:

Warbaahinta Baraarugnews

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here