Tiradda Dalalka Uu Saameyn Ku Yeeshay Noloshooda Dagaalka Ukrian Iyo Ruushka &Khatarta Soo Food Saartay Dalalka Geeska Afrika Iyo Soomaaliya Iyo Is-badel Weyn Oo Ku Yimi Dhaqaalaha Iyo ganacsiga Caalabka

0
412

Tiradda Dalalka Uu Saameyn Ku Yeeshay Noloshooda Dagaalka Ukrian Iyo Ruushka &Khatarta Hadhaysay Dalalka Geeska Afrika Iyo Soomaaliya Iyo Is-badel Weyn Oo Ku Yimi Dhaqaalaha, Maceeshada, Shidaalka Iyo ganacsiga Caalabka
Hargeysa,(Baraarugnews.net)-Qiimayn ay Qaramada Midoobay ku samaysay waxyeellada uu dagaalka Ukraine ku reebay ganacsiga iyo dhinacyada maaliyadda, tiknolojiyadda, iyo maalgashiga ayaa lagu ogaaday meelaha saamaynta xooggan dhaqaale ahaan uu daalka ka socda Ukrian ku yeeshay ay ka mid tahay qaaradda geeska Afrika.
Natiijada ayaa lagu ogaaday in colaaddani ay sii xumaysay dhaqaalaha caalamka iyadoo uu sare u kacay qiimaha cuntada, shidaalka iyo daawooyinka bacriminta ee beeraha loo isticmaalo.warbixinta qaramada midoobay ka soo saartey xaalada saameynta ah ee uu keenay dagaalka u dhaxeeya dalalka Ruushka Iyo Yugreen Ukrian,iyadoo walaac xoogan ka muujisay dalalka soo koraya, gaar ahaan kuwa Afrikaanka ah iyo dalalka kale ee dhaqaalahoodu uu hooseeyo.Saamaynta dhaqaale ee dagaalkan ka dhalatay ayaa la sheegay in si gaar ah ay u taabatay ganacsiga, qiimaha badeecadaha iyo suuqyada maaliyadda.
Khatarta kacdoonka shacabka, cunto yarida iyo hoos u dhaca sicir bararka ayaan la dhimi karin, gaar ahaan marka la eego xaalada jilicsan ee dhaqaalaha ee ka dhashay cudurka faafay ee COVID-19.
Dalalka Afrika ee sida weyn ugu tiirsan qamadiga ka yimaada Ruushka iyo Ukraine ee colaaddan ay saamaysay ayaa warbixinta lagu sheegay inay ka mid yihiin, Somalia, Benin, Masar iyo Sudan.
Haddaba maxaa laga yaqaan afarta janan ee ay Ukraine sheegtay in lagu dilay dagaalka?
Sarreeye Gaas, Oleg Mityaev
Ukraine ayaa sheegtay in lagu dilay meel u dhaw magaalada Mariupol ee koonfur bari dalkaas, taasoo ay ka dhaceen dagaallo lagu hoobtay.
Xooggaga Azov oo ah dagaalyahanno xagjir ah, isla markaana taabacsan ciidamada Ukraine ayaa sheegay inay dileen jananka.
Waxa uu hogaaminayay qeybta 150-aad ee ciidanka lugta, oo ah mid la asaasay sanadkii 2016, saldhigna ku leh gobolka Rostov ee u dhaw xuduudda Ruushka uu la leeyahay Ukraine.
Xukuumadda Kyiv ayaa ku doodaysa in ciidankaas loo sameeyay si ay u caawiyaan xooggaga gooni u goosadka ah ee ka dagaallama bariga Ukraine, inkastoo Ruushka uu beeniyay in ciidamadiisa ay ka garab dagaallameen jabhado hubaysan.
Sarreeya Gaas Andrei Kolesnikov:-Ukraine ayaa sheegtay in janankan oo hogaaminayay guutada 29-aad ee ciidamada isku dhafka ah la dilay 11-kii March., laakiin Lama shaacin qaabka lagu dilay ama goobta uu ku dhintay.
Sarreeya Gaas Vitaly Gerasimov:-
Jananka ayay Ukraine sheegtay inuu hogaaminayay guutada 41-aad ee ciidamada isku dhafka ah, isla markaana 7-dii March lagu dilay meel u dhaw magaalada Kharkiv ee bariga dalkaas.
Ciidamada Ruushka ayaa duqeyn iyo weerarro joogta ah ku hayay magaalada Kharkiv oo u dhaw xuduudda labada waddan.
Milateriga Ukraine ayaa shaaciyay cod ay sheegeen inuu yahay laba askari oo Ruush ah oo ka hadlaya dilka jananka, isla markaana ka cabanaya qalabkooda isgaarsiinta.
Gerasimov ayaa ka qeyb qaatay dagaalkii labaad ee uu Ruushka la galay Chechnya, hawlgalladii Suuriya iyo qabsashadii Crimea ee 2014.s
Sarreeya Gaas Andrey Sukhovetsky:-
Waxa uu taliye kuxigeen u ahaa Gerasimov, 3-dii March ayaana la sheegay in meel fog laga toogtay. Si lamid ah jenaraal Gerasimov, janankan ayaa ka qeyb qaatay hawlgalladii Ruushka ee Suuriya iyo Crimea. Geeridaas waxaa si weyn uga hadashay warbaahinta Ruushka, waxaana khudbaddiisa ku xusay Madaxweyne Vladimir Putin oo xaqiijiyay in Sukhovetsky uu ku dhintay dagaalka Ukraine.
Iimeelada Xafiiska Guud ee baraarugnews@gmail.com or caarshe7@hotmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here